Shirar ka dhacay Britain iyo Belgium

Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Proff: Maxamed Cumar Dhalxa  oo ka mid ah mudanayasha baarlamaanka Somalia kuna sugan iminka magaalada Brussles  ayaa wuxuu ka warbixiyay Shirar uu uga qeyb galay dalalka Britain, iyo Belgium-ka .

Xildhibaanka oo  ka mid ah mudanayaal baarlamanka Soomaaliya ka tirsan kana qeyb galaya shir ka dhacaya magaalada Brussles wuxuu  sheegay in shirkaasi looga hadlay khatarta Miinooyinka iyo dhibaatada ay haraadiga walxaha qarxa ku hayaan qaarada Africa.

Dhalxa ayaa sidoo kale sheegay in Shirkii Brussles looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa miinooyinka daadsan qaarada Afrika, oo la sheegay in guud ahaan Africa ay dhibaato ba’an ku hayaan

Shirkii London uu uga qeyb galay ayuu shaaca ka qaaday in uu ku saabsanaa  horumarinta dhaqaalaha dunida Muslimka , waxaana uu tilmaamay inay ka  qeybgaleen 21 dal.

Ra’isal wasaaraha Britain, ayuu shaaciyay inuu shirkaasi furay isagoona tilmaamay in arimihii shirkaasi looga hadlayay ay soo dhaweeyeen dhamaanw adamadii ka qeyb galay si guul ahna uu kusoo dhmaaday .

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in marka ay dalka dib ugu soo laabtaan ay baarlamanka siin doonaan xog buuxda oo ku saabsan shirarkii ay uga soo qeyb galeenLondon iyo Brussles iyo waxyaabihii ka soo baxay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com