3 ka mid ah askarta Uganda ee Soomaaliya oo kiis xasaasi ah loo maxkamadeynayo

Kampala (Caasimada Online) – Saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa lagu soo oogay dacwad dayacaad ah kadib markii ay burburtay diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo ay leeyihiin ciidamada milatariga, bishii Sebtembar 2024.

Shilkaas, oo dhacay wax yar uun kadib markii ay ka duushay Muqdisho, ayaa ku lug lahaa diyaarad helikobtar ah oo loo daadgureeyay howlgalka Kumeel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waxaana ku dhaawacmay afar askari oo nabad ilaalin ah, balse nool.

Gaashaanle Sare George Buga Andruga, 51, Gaashaanle Dhexe Benjamin Kashumbusha, 43, iyo Gaashaanle Henry Gygenda, 38, ayaa kasoo hor muuqday Maxkamadda Guud ee Ciidamada (GCM) ee Makindye ee ku taal Kampala 15-kii Janaayo 2025.

Saddexda sarkaal ayaa wajahaaya eedeymo ku xusan Qaybta 150(b) ee Sharciga UPDF, Cutubka 330, kaas oo maamula howlaha duulimaadyada. Xeer ilaalinta ayaa ku eedeysay in saraakiishan ay si dayacaad ah u daadgureeyeen diyaaradda AU0-004, taas oo keentay in ay burburto xilli ay ku sii jeeday Garoonka Ciidanka ee Balidoogle, oo ah saldhig ciidan oo muhiim ah oo 90 kiilomitir (55 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Haddii lagu helo dambiga, eedeymahan waxay wataan ciqaabta ugu badan oo ah dil. Saraakiisha la eedeeyay ayaa beeniyay wax khalad ah oo ay sameeyeen intii lagu guda jiray dhageysiga dacwadda, oo uu guddoominayay Sarreeye Guuto Robert Freeman Mugabe.

Shilka dhacay 19-kii September ayaa waxaa ku dhaawacmay afar qof oo saarnaa diyaaradda, balse nool, oo ay ku jireen saddex askari oo Ugandees ah oo ka tirsan ATMIS. Diyaaradda ayaa ka duuleysay Muqdisho kuna sii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle, oo ah xudunta ciidamada kumaandooska Soomaaliyeed ee ka tirsan guutada Danab ee heerka sare ah iyo ciidamada Mareykanka.

Ciidanka Uganda ayaa bilaabay baaritaan wax yar kadib shilka si loo ogaado in burburka diyaaradda uu sababay cillad farsamo, qalad aadane ama rasaas cadow. Sarreeye Guuto Felix Kulayigye, afhayeenka UPDF, ayaa xaqiijiyay in baaritaannada ay socdaan, isagoo yiri, “Mar kasta oo uu dhaco shil cirka ah, waa in baaritaan la sameeyaa.”

ATMIS ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) midkoodna ma soo saarin wax war rasmi ah, taas oo su’aalo ka dhalisay sababta rasmiga ah ee shilka iyo isgaarsiin la’aanta ka dhex jirta howlgalka.

Intii ay socotay dacwadda maxkamadda, xeer ilaaliyaha hoggaaminayay dacwadda Gaashaanle Ambroz Guma, oo ay taageerayeen Gaashaanle Labaad Anthony Phillip Oluput iyo Regina Nanzala, ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo waqti dheeraad ah si loo dhammaystiro baaritaanka.

“Baaritaannada kiiskan ayaa weli socda. Waxaan codsaneynaa in kiiska dib loo dhigo, eedaysanayaashana lagu xiro Xabsiga Ilaalada Booliska Milatariga ee Makindye,” ayuu Oluput u sheegay maxkamadda.

Kooxda difaaca, oo ay hoggaamineysay Elizabeth Nyadsingwa iyo Gaashaanle Simon Nsubuga Busagwa, ayaa ku dhawaaqay inay damacsan yihiin inay codsadaan dammaanad dhageysiga xiga. “Waxaan leenahay tilmaamo ah inaan codsano dammaanad, laakiin ha lagu diiwaan geliyo diiwaanka inaan codsigeenna soo gudbin doonno dib-u-dhigista xigta,” ayuu yiri Busagwa.