3 Shil oo waa weyn oo ka dhacay Hargeysa maanta

Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliska ciidamad Booliska ee Somaliland ayaa ka hadlay Shilal khasaaro dhimasho sababay geystay oo maanta ka dhacay Wadooyinka Magaalada Hargeysa qaarkood.
Dadka shilkaasi ku dhintay waxa kamid aheyd Hibaaq Cabdiqadir Koosaar oo aheyd xaaska Wasiirkii hore Qorsheynta ee Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe).
Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guute Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Taliyaha ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka Gaashaanle sarre Faysal Xiis Cilmi ayaa tafaasiil ka bixiyey Shilalkaas.
“Maanta halkan waxa ka dhacay Magaalada Hargeysa saddex shil oo waaweyn, midi wuxuu ka dhacay  Xero-awr, midina wuxuu ka dhacay International Cusbitaalka, midka kalena Isha Borame”
“Anigoo ku hadlaya magaca Taliyaha guud ee ciidamada booliska iyo keygaba, waxaan tacsi udireyna dadkii ku geeriyooday shilalkaasi oo ay kamid aheyd Xaaska Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Muxumed Saxardiid Ismaaciil oo isagna ku dhintay shilalkaasi” ayuu yidhi Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Somaliland.
Geesta kale Taliye kuxigeenku waxa uu digniino culus udirey Wadayaasha gaadiidka kuwaasi oo uu sheegay inay dhamaatay wakhtigii naxariista la isku galayay oo himika sharciga la isla tiigsan doono, ganaax adagna laga qaadi doono cidii ay udhameystirneyn sharciga wada-maristu.
Waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka taagan saxmada gaadiidka ah, taaso mararka qaar kalifta in meeshii daqiiqado loo socon jiray saacad ama ka badan loo socdo.
Arrintaasi oo inta badan loo aaneynayo darawalo aan si wanaagsan u aqoon wadida gawaarida iyo weliba tagaasi si aan sax aheyn u adeegsada waddooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com