Dadweynaha Somaliland oo baafinaya Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii udambeysay ku sugnaa magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa laga warhaynin meel ay ku dambeeyeen.

Shacabka Somaliland ayaa is-weydiinaya su’aalo dhowr ah oo la xidhiidha wefdiga Biixi iyo howlaha mashquuliyey.

Wefdigan ayaa waxa dadweynaha reer Somaliland ugu dambeysay 9-kii bishan oo Caasimada dalka Imaaraadka lagu soo dhaweeyay.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook ku qoray Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu ayaa waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Biixi uu la kulmay madax kamid ah Imaaraadka, inkasta oo uusan dadka la wadaagin Magacyada masuuliyiinta uu Biixi la kulmay.

Sikastaba ha ahaate Warar ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu Imaaraadka u tagay dano u gaar ah, taasi oo sababtay inay safarkiisa qeyb ka noqon waayeen Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Wasiirka Maaliyada oo iyagu ah xidhiidhiyaha Imaaraadka Carabta iyo Xukuumada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com