4 cudur oo halis ah oo laga dhexlay DF SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mohamud Ahmed Nuur Tarsan, ayaa dhaliilay qaabka ay Dowlada Somalia u dhaqan galineyso Siyaasada lagu xasilin lahaa dalka Somalia.

Tarsan ayaa sheegay in dalka Somalia uu ku baahay Cudur saameeyay min Dowlad ilaa shacab, waxa uuna Cudurkaasi ku sheegay inuu yahay midka kaliya ee dilay dadnimada Somalia.

Sababta ugu weyn ee Cudurkaasi keenay ayuu ku sheegay hogaan xumada heysata DF Somalia oo sababtay inay qaataan shacabka Soomaaliyeed waxa uuna taasi ku sababeeyay daciifnimada Madaxda Qaranka Somalia.

Hanaan xumida ay la daala dhaceyso DF Somalia, ayuu sheegay in laga dhaxlay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin:

1- Saboolnimada bulshada

2- Aqoonyarida bulshada

3- Musuq-maasuqa ku dhex baahsan nidaamka dowladda

4- Dowlad Xumo (Poor governance)

Tarsan waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aaminsan yahay inay Dowlad kasta ay ka maamul wanaagsantahay ay ka dhaqaale sareyso dowladaha aan la hayn maamul wanaagsan.

Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday sida ugu sahlan ee looga gudbikaro Musuq-maasuqa iyo nin jecleysiga kusii baahaayo dalka waxa uuna yiri tarsan

‘’Waxaa had iyo jeer isla socda dowlad wanaaga iyo kobaca dhaqaalaha. lagama yaabo in bulshada Somaaliyeed soo saarto hogaan wanaagsan inta ay bulshadu sabool tahay aqoontuna ku yartahay ama ay hoseyso. haddii ay bulshadu yelato tiro ballaaran oo dakhili fiican leh, aqoontana sare loo qaado waxay u badantahay in ay hagaagto dowlad wanaga’’

Haddalka Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mohamud Ahmed Nuur Tarsan, ayaa ah mid ku qotoma ficilada diciifka ah oo ay suuqyada baahineyso Dowlada Federaalka ah ee Somalia oo aan ka adkeyn dhowrka Gobol oo ay maamusho.

Nasiib darro ayuu ku sheegay in DF Somalia ay dhaxal u yeelatay awood yari iyo Musuq-maasuq awood leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com