“Awal waan hanjabi jirnay balse hadda waa ficil”

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa si xooli ah u socda dhaqdhaqaaqyada Gobolka Gedo ay kawadaan Ciidamada Militeriga Maamulka Jubbaland iyo kuwa Ethiopia oo buux dhaafiyay qeybo kamid ah Gobolka Gedo.

Ciidamadaasi ayaa waxaa horkacaayo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba Cabdullahi Sh. ismaaciil Fartaag iyo Saraakiil kale.

Fartaag oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo ku filan ay la joogaan Doolow islamarkaana ay doonayaan in Degmada Baardheere ay la wareegaan iyaga oo kaga sii gudbaya Gobolka Jubbada dhexe.

Waxa uu sheegay in markii hore ay hanjabi jireen kaliya laakiin ay hadda Hanjabaadda ficil u baddalayaan.

Waxaana uu sheegay inaanay jirin Ciidan qof gaar ah hoostaga oo ku sugan Jubbada hoose marka laga reebo kuwa Jubba, waxaana uu sheegay in qof uu Taleefan meel iskala gali karo Wareysina lga qaadi karo sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Fartaag ayaa imaanaya iyadoo Maamulka Jubbaland ay garab ka heleyso Dowlada Ethiopia oo Ciidamo kusoo guraayo dalka Somalia.

Xaalada Deegaanada hoostaga Jubbaland iyo Gedo ayaa ah mid cakiran, waxaana marba marka xigta sii xoogeysanaayo dhaqdhaqaaqyada socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com