XOG: Caqabadaha ugu weyn ee hor-taaggan soo wareejinta hawada SOOMAALIYA oo la ogaaday!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Somalia ayaa Sanadkii 2013, waxay Heshiis la saxiixatay UNDP iyo Hay’adda Caalamiga ah ee duulista Hawada QM oo loo soo gaabiyo (ICAO), kaasi oo dhigaya in Dhamaadka Sanadka 2014 ay si toos ah ula wareegto Maamulka Hawada Somalia.

Heshiiskaasi ayaa waxaa dhanka Soomaaliya uu saxiixay Bishii May, 2013 Abdullahi Elmoge Hirsi, Wasiirkii Duulista Hawada DFS iyo Peter Noad oo ka socday ICAO, waxaana qalinka lagu duugay in Maamulka Hawada laga soo wareejiyo Nairobi laguna wareejiyo Muqdisho.

Caqabada taagan ayaa la sheegayaa inay tahay mid ay wado Dowlada Kenya oo iyadu aan ku qanacsaneyn in Xafiisyadaasi loo soo raro Magaalada Muqdisho, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Kenya ay Beesha caalamka ka dhaadhicisay in Somalia aysan heysan Xubno khubaro ah iyo kuwo cilad bixiyayaal ah waa haddii ay soo baxdo cilad farsamo.

Maamulka Somaliland ayaa iyana war xumo tashiil ka gudbisay DF Somalia si meesha looga saaro rajadii laga qabay in Xafiisyadaasi lagu soo wareejiyo Magaalada Muqdisho, iyada oo kasoo horjeeda in hawadeeda laga maamulo Magaalo madaxda Somalia.

Sidoo kale, waxaa meesha ka maqan heshiiskii dhigaayay in 100 qof oo Qubaro dhanka Duulista Hawada ah oo Ajnabi la geeyo Muqdisho si ay Maamulka arrimaha Duulista halkaasi uga soo wadaan, inta Somalia loo tababaraayo Shaqaale howshaasi qaban kara.

Arrimahaasi oo dhan waxay noqdeen Hal-bacaad lagu lisay oo waxba kama aysan hergelin Waqtigii lagu balamayna in Soomaaliya lagu soo wareejiyo Maamulka Hawadeeda wuxuu ku ekaa dhamaadka 2014.

Hay’adda iminka gacanta ku heyso Hawada Somalia, ayaa ku andacooneysa in Sababaha keenay inuu fashilmo Heshiiskaasi uu yahay Arrimo Farsamo, oo ay ugu horeeyaan in Somalia aysan xilligan heysan Qalabkii iyo Xirfadlayaashii Howshaasi qaban lahaa.

DF Somalia ayaa ku jahwareersan qaabka ay Magaalada Muqdisho ugu soo wareejin laheyd Xafiisyada laga hago Hawada Somalia oo iminka ku yaalla Magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com