Sawiro: Guulaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed

Tan iyo intii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed 1991dii, Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu soo maray marxalado kala duwan, taliye kasta oo soo marana wuxuu gaarsiiyay heer. Waxaase xusid mudan isbedelka baaxadda leh iyo horumarka la taaban karo ee lagu gaaray mudada kooban ee uu hayo Taliyaha cusub ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh  Xasan Xaamud.

Guulaha wax ku oolka ah ee mudadaas gaaban lagu gaaray waxaa ka mid ah:

  1. Si loo helo ciidamo boliis tayo leh oo u adeega bulshadooda, wuxuu Taliyuhu soo saaray shuruud ah in qofkii raba in uu ku soo biiro Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay tahay in uu heysto ugu yaraan Shahaadada Dugsiga Sare, kuna baasaa imtixaanka gelitaanka iyo tababarada la xiriira. Waa markii ugu horeysay in boqolaal arday Soomaaliyeed oo heysta Shahaadada Dugsiga Sare oo ka kala socda gobolada dalka ay soo codsadaan oo u fadhiistaan imtixaan. Ardaydan oo aan lagu soo xulin hab qabiil waxaa imtixaankooda qaaday AMISOM si meesha looga saaro eexasho. In ka badan 50 arday  oo ah kuwii ku baasay ayaa loo qaaday tababar dibada ah.
  2. Si loo celiyo sharafta iyo karaamadii boliiska, taliyuhu wuxuu ka mamnuucay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  cunista qaadka xilliga ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.
  3. Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay ka go`an tahay u adeegista bulshada, waxay balan qaadeen ayadoo jiraan duruufo adag in ay sugaan amniga ardeydii Soomaaliyeed ee u fadhiisatay imtixaankii midaysnaa ee Shahaadada Dugsiga Sare oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada taas oo suurtagelinamadeeda dad badan mugdi uga jirtay.
  1. Taliyaha Ciidanka wuxuu wadaa qorshe daryeel oo ah:
  1. B. In Ciidanka Boliiska ay helaan daweyn iyo daryeel caafimaad oo tayo leh,
  2. T. In Agoonta Boliiska ay helaan Hooy, Cunto, Caafimaad iyo Waxbarasho
  3. J. In shaqaalaha ama ciidamada boliiska ee howlgaba ama ka fadhiista shaqadooda caafimaad daro ama da` awgeed ay helaan guno ama lacagta howlgabnimada (pension)
  4. In aad arkeysid habeenkii xili dambe ciidamo boliis ah iyo mararka qaarkood taliya boliiska naftiisa oo gaafwareegaya wadooyinka magaalada si ay u sugaan amniga ayagoo aan wax mushaar ah helin dhowr bilood.

Ma ahan waxqabadka inta aan kor ku soo xusay oo keliya, laakiin waa intii aan is lahaa waa ugu muhiimsanaayeen. Amnigu ma sugi karaan hay`adaha amniga oo kaliya, waxaa lama huraan ah in shacabku la shaqeeyaan boliiska, boliiskuna kasbadaan kalsoonida shacabka maadaama ay shaqadoodu tahay u adeegista bulshada.

Boolis6Boolis5Boolis3Boolis2Boolis1Boolis

W/Q: Saciid Xasan Careys