Madaxda Puntland, wax kasta inyaw

Inyaw, waxaa aad u isticmaala, carruurta marka ay yar-yaryihiin iyo sidoo kale haweenka marka ay xoogaa qaaliyeysiinayaa. Waxay ka turjumeysaa Diidmo. Ujeedadeydu maahan inaan caayo umad jirta oo dhan laakin waxan markaan Puntland leeyahay ula jeedaa raga talada haya ee Maamulka walaalaha reer Puntland.

Waxay madaxda Puntland ku caan baxeen, INYAW. YACNI WAA DIIDNAY WAX WALBA OO AANAN ANNAGU SOO BILLAABIN. Waxaa layaab leh in haddana aduunka iyo dadka soomaalidu ay aad mar walba isha ugu hayaan diidmada Puntland oo ujeedada laga leeyahay ay tahay inaysan Soomaaliya midoobin oo dib u istaagin. Sheegaashada Puntland ee qaar ka mid ah gobolada waqooyi kama duwana inay sheegtaan qeybo ka mid ah gobolka Mudug iyagoo ka eegaya qabyaalad.

Dhawaan ayaa wariye cadaan waxa uu wax ka qoray arrrimaha Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Puntland ay tahay maamul yar oo ka jira Soomaaliya laakin isu haysta Soomaaliya inteeda kale. Dad badan waa aamisan yihiin sidaa oo waa eegayaan Madaxda Puntland riwaayadooda siyaasadeed.

Meel walba ka muuqo waa lagu Muuno Beelaa. Aniga oo aan dagaal siyaasadeed kula jirin dadka reer Puntland oo dhan haddana hoggaamintoodu waa mid hog ku rideysa dadka halkaa ku nool ee shacabka ah. Diidmada Puntland ee Guddiyadda madaxbanaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka. Diidmada Puntland ee dowlad-goboleedka Galmudug. Diidmada Puntland ee dowlad-goboleedka Soomaaliland. Diidmada Puntland ee Soomaaliya oo dhan marka laga reebo Maamulka Axmed Madoobe ee Raaskambooni ee Kismaayo. Call it, Jubaland if you want. Waxaas oo dhan soo layaab ma ahan: Waan layaabay,ee ma layaabtay?

Waxaan ka maqalnaa inta badan madaxda Puntland, Puntland waa Hooyada Federaalka Soomaaliya. oo yaa u caleema saaaray? Waxana maqli jiray indha adag, arooskeeda ayey ka boodaa! Haddii la yiraahdo Maamulada Soomaaliya ka istaagay ayey u horeysay waa Been waxaa ka horeeyey Soomaaliland. Marka hoos loo eego Maamulka Puntland waa Jufo ka mid ah Beel-weynta Daarood.

Laakin markaad miisaanka iyo Miyaaradda ku eegto Maamulka Galmudug waxa ka dhex muuqda Soomaali oo dhan. Waxaa la mid ah kan Axmed Madoobe hoggaamiyo inkastoo dariiqiisii laga leexiyey Maamulka Jubaland. Kan koofur-Galbeed waa iska ceyntaa. Soomaaliland waa caadi. Halka Maamul reer gaar ah uu u muuqdo kan Puntland.

Goormuu, Nikolas Kay Soomaali noqday? Dhawaan waxa qof kasta ka yaabiyey markii carruur iyo haween iyo xoogaa odeyaal ah ay wadooyinka Garowe isugu soo baxeen iyagoo ku qeylinayey Hadhaco, Nikolas Kay. Waa kan Qaramada Midoobey uga wakiiilka Soomaaliya ee ka fadhiya Muqdisho. Waxaa kale oo layaab iyo cunsuriyad aan la fileyn noqotay markii lagu gubay Magaalooyin ka tirsan Maamulka Puntland sawirada Madaxwayneha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Jawaari, afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aan waxba la yeelin sawirka Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Shacabka qalad ma lahan oo waa loo sameeyey boorarka ay wateen oo siyaasiin ayaa soo abaabulo banaanbaxyadaas.

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya waa nin sharaf badan oo taxadar badan waxaana mar walba aad ka fahmi kartaa dadaaladiisa isku soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed. Ma ahan nin qabyaaladu madax martay sida qaar ka mid ah Siyaasiinta Puntland oo hadda u muuqda inay ku dawaqmeen wixii iyagu ay sheeganayaan inay Hooyo u yihiin oo ah Federaaleynta Soomaaliya. Markii horeba waa la ogaa in Federal iyo Soomaaliya aysan is-qaadan Karin waqtigaan.

Sheekaddu hadda waxay taagan tahay anigu aan wax maamulo, meeshii gabar igu cid ah ay ku nooshahayna cid kale ma maamulayso. Micnaheedu.

Meeshii qof reer Puntland ah uu ku nool yahay Puntland ayey hoos-timaadaa. Soomaaliya inkastoo ay qabaa’ilo tahay waa wada degtaa haba ku kala badnaato deegaanada. U fiirso, Haddiiba dadka Jaziira iyo Ceelasha Biyaha degan ay ogolyihiin in laga Maamulo, Barawe, iyo Baydhabo, Maxaa diidaya in dadka Jariiban iyo Galdogob dega laga Maamulo Dhuusa-Mareeb iyo Gaalkacyo, oo ay wax ku darsadaan walaahooda ay wada degaan.

Waxaas oo dhan inta iska dhaafno aan Soomaalinimo wax ku qeybsano, haddii kale sheekadu waxay la mid tahay hadal hada ka hor nin Saaxiibkey ah uu igu yiri isagoo ka hadlayey arrimaha Soomaliya. Waan wareernaye yaan wasnaa. Kkkkkk. Xoriyada hadalku waa furan tahay. Hadalka ninkaas aad baan ugu qoslaa markaan soo xasuusto. Cudurka Soomaaliya waa siyaasiinteeda.

Waxaan dhawaan aqristay qaar ka mid ah warbixino ay daabaceen warbaahinta ka howgasha Puntland gaar ahaan kuwii aan islahaa waa ugu dhex-dhexaadsanyihiin dadka Soomaalida. Xoriyada hadalka waa wax banaaan laakin marka wax la qorayo ma ahan in colaad la huriyo ee waa in nidaamka wax laga sheegaa haddii uu qalad jiro. Aniga hadda qoraalkaygu waxa uu ku socdaaa madaxda Puntland ee kuma socdo shacabka Puntland laakin haddana waxaa laga yaabaa in loo qabyaaladeeyo shacabka. Muhiimadu waxay tahay in qof aan la wada amaani doonin, islamarkaana aan la wada caayi doonin.

Markaan saas leeyahay waxan arkay dhalinyaro reer Puntland ah oo fariimo inta ii soo diray dhahaya adigu Soomaaliya qaado. Oo maxaan ku faleynaa Soomaaliyada aad sheegayso. Laakin kuwaasi ma ahan kuwa ka turjumaya arrigtada kuwa wanaagsan ee Puntland.

Alloow, U naxariiso, Soomaaliya. Qore: By Mohamed Odowa,

reporter.odowa@gmail.com Tel: +252618710824

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid