Muqdisho: Taliye ciidan & istaafkiisa oo la laayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraayo Deegaanka Jazeera ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay weerar ku dileen Taliyihii Nabadsugida deegaankaasi Jazeera.

Wararku waxa ay sheegayaan in dilka Taliyaha ay geysteen dhalinyaro watay gaari nooca raaxada ee loo yaqaan Kaarib, waxa ayna mar qura rasaas ooda uga qaaden Taliyada iyo Ciidamo uu watay.

Gudoomiyaha deeganka Jazeera C/casiis Xaaji, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay geerida Taliyaha iyo Ciidamo la socday, waxa uuna sheegay in Taliyaha uu ku baxay gacanta kooxo aan heebtooda la garaneynin.

Magaca taliyaha la dilay ayaa lagu soo gaabiyay Dhuubow, waxaana rasaastaasi sidoo kale ku dhintay 6-Askari oo ka tirsanaa Ciidamadii la socday.

Dhacdadaani ayaa imaaneysa iyadoo maanta deegaanka Jazeera ay booqdeen Xubno Wasiiro ah oo ka tirsanaa Maamulka koonfur Galbeed ee Somalia.

Maamulka Koonfurgalbeed Somalia ayaa dhawaan si cad u sheegay in deegaanka Jazeera ay ka tirtan tahay deegaanadda uu maamulo maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com