“Markaan madaxweynaha ahaa Puntland dagaal waan ka ilaalin jiray, haddase waa dagaal doon”

By Asad Cabdullahi Mataan

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaldaa Gaalkacyo ayaa ka digay  in Puntland dagaal sokeeye ka abuurto gobolada dhexe ee dalka.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, wuxuu sheegay in maamulka Galmudug markii uu madaxweynaha ka ahaa ii mar walbaa dagaal ka ilaalin jiray maadaama deris ay ahaayeen, sidaasi daraadeedna Puntland looga baahan yahay joojinta waxyaabaha colaadaha abuuri karo.

Wuxuu sheegay in gobolada dhexe ay yihiin maamul doonaya midnimada ummada Soomaaliya iyo in nabad lagu wada noolaado, laakiin aysan habooneyn in colaad laga dhex abuuro.

“Waxaan sheegayaa Puntland ha joojiso iney colaad sukeeye ka abuurto gobolada dhexe iyo dagaalka ay dooneyso, aniga markii aan madaxweyne ahaa dagaalka waan ka ilaalin jiray Puntland, sababtoo dad deris ah ayaa la yahay”ayuu yiri C/Qeybdiid.

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/Xasan Cawaale, ayaa ugu dambeyn sheegay in  maamulka lagu  dhisay magaalada Cadaado ee uu madaxweynaha ka yahay C/Kariin Guuleed laga doonayo inuu diirada  Saaro amaanka deegaanada maamulkaasi ka taliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com