Dhageyso: BFS oo go’aan dharbaaxo ah la helay R/W CCC, go’aanna ka gaaray dacwada BADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiyada joogtada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay murunka dhanka Badda Soomaaliya ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Gudiyada ayaa kulankooda kadib soo saaray go’aan ay ku taageerayaan in dacwada dhanka badda cadeymaha loo hayo la horgeeyo maxkamada Hague maalinta Isniinta ee soo socota.

C/kariin Xaaji Buux, Xoghayaha baarlamaanka ayaa sheegay in dhamaan gudiyada go’aankaasi mideysan ay ka qaateen cadeymaha laga hayo murunka dhanka Badda ee u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in la isku raacay in laga baxo wadahadaladii hoose ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya, toosna dacwad loola galo dowlada Kenya, maadaama biyaha Soomaaliya ay kusoo xad gudubtay.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay dacwada dhanka badda ee Kenya iyo waxyaabaha kasoo bixi kara, ayna doonayaan iney dib u helaan xaqa dhanka Badda.

Go’aanka baarlamanka ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaare Cumar uu soo jeediyey in laga laabto go’aan hore oo baarlamankii KMG ahaa uu u gaaray 2009, kaasi oo bur-buriyey heshiiskii uu Cumar la galay Kenya sanadkaas ee muranka geliyey badda Somalia.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dooday in go’aankaas uu caqabad ku noqon karo dacwada ay dowladda Somalia ka gudbisay Kenya, lagana yaabo inay ku guul darreystaan, arrintaas oo aan la fahmin waxa uu ula jeedo, balse loo qaatay inuu weli Kenya la shaqeynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com