XOG: Xildhibaannada GAL-MUDUG oo kala carar iyo dhuumasho ku jira (Maxaa soo kordhay?) !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaarayo Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in Xildhibaanada Maamulka Galmudug ee dhawaan la doortay ku jiraan dhuumasho.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada qaar laga baadi goobaayo gudaha Magaalada Cadaado iyo goobihii ay deegaanka ku ahaayen, waxaana la soo warinayaa in faraqa ay heystaan Musharaxiintii looga awooda batay doorashadii ka dhacday Cadaado.

Xldhibaanada ayaa lagu heystaa dhaqaale adag oo ay ka cuneen Musharaxiintii laga guuleystay, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in musharax waliba ay si gaar ah lacag uga qaaten.

Xildhibaanada la baadi goobaayo ayaa lasheegayaa in ay qaateen lacago aad u farabadan oo ay ka kala qaateen Musharixiinta kuwaas oo ku andacoonaya in ay balantii ay uga bexeen codkoodiina ka iibsaday mid kale iyada oo qaar kamid ah laga ceshaday lacagihii ay qaateen kuwo kalana ay si dhuumasho ah uga bexeen Magaalada.

Mid kamid ah Xildhibaanada Galmudug ee ka madaxbanaan is ceerceersigaasi, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in garoonka diyaaradaha Cadaado laga soo qabqabtay qaar kamid ah Xildhibaanada la baadigoobaayo.

Inta badan Xildhibaanada Galmudug ayaa heshiis hoose la gashay DF Somalia oo iyadu bixisay lacagaha lagu dooranaayay C/kariin Xusein Gulleed oo iminka ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Dhanka kale, is qabqabsigaani ayaa muujinaayo in meesha ay ka baxday kalsoonidii ka dhaxeysay Xildhibaanada iyo Musharaxiintii laga guuleystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com