Warqad sir ah: Somaliland oo ogolaatay midnimo iyo ku biiritaanka federalka Soomaaliya (Heshiis)

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa ku eedeeyey xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, inay qaadatey nidaamka Federaalka ee Soomaaliya, si hoosena heshiis arrintaas ku saabsan ula saxiixatey Dowladda Federaalka.

Shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah magaalada Hargeysa ugu qabteen Guddoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaradka ah Wadani iyo Ucid; Cabdiraxmaan Maxamed Cirro iyo Feysal Cali Waraabe, waxay ka sheegeen in arrintaasi tahay wax aad looga xumaado islamarkaana lagu sifeyn karo khiyaamo qaran, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Eedeynta mucaaradka Somaliland ayaa imaanaysa maalmo kadib markii shabakadda sirta faafisa ee Wikileaks ay soo daabacday dukumiintiyo laga soo xaday sir-doonka dalka Sucuudiga, kuwaas oo cadeynayey in Somaliland (Feb 18, 2012) heshiis midnimo la gashay dowladdii kumeel gaarka ahayd, Puntland iyo qaar kamid ah mileeshiyaadka taabacsan dowladda Soomaaliya.

Dukumiintigaas oo ay Caasimada Online uu helay nuqul kamid ah, waxa ku qoran sidan:

“Waxaa heshiis wada gaarey Dowladda Kumeel Gaarka ee Soomaaliya, Puntland, Somaliland iyo qaar kamid ah mileeshiyaadka dowladda tabacsan taariikhdu markay ahayd Feb 18, 2012, heshiiskaas oo dhigayey in la dhiso baarlammaan cusub oo ka kooban labo gole iyo diyaarinta dastuur suuragal ka dhigaya nidaamka federaalka”

Qayb kamid ah dukumiintiga Wikileaks baahiyey:

heshiis Somaliland

Xukuumadda Somaliland oo qirtay in heshiiskaasi jirey!

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji oo maalmo kadib markii uu warkani soo baxay warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in heshiiskaasi jirey.

Xirsi ayaa xusay in heshiiska Wikileaks baahisey uu si shaqsi ah isagoon cidna kala tashan ku saxiixay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar, taasina ay tahay sababta keentay markii dambe xilka laga qaado.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland wuxuu sidoo kale sheegay in dhowaan dalka Sucuudiga ay booqan doonaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo), inkastoo uusan si rasmi ah u carro baabin xilliga ay wafdigaasi baxayaan.

Somaliland ayaa sanadkii 1991 iclaamisey inay tahay jamhuuriyad madax bannaan oo ka go’day Soomaaliya inteed kale, inkastoo weli aysan helin aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com