Qarax culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu  ka dhacay iridka hore ee Xarunta Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaayo in Qaraxa uu ahaa mid gaariga loogu xiray Agaasimaha dariseynta Gobolka Banaadir C/xakiin Maxamed Haadi.

Qaraxa ayaa waxa uu dhacay xili gaariga Mas’uulkaasi uu ahaa mid horyaalay iridka Degmada, waxaana la soo warinayaa in Qaraxa uu geystay dhaawacyo fudfudud oo soo gaaray ilaa Seddex ruux.

Gaariga ayaa Miinada lagula xiray iridka Degmada, waxa uuna qorshuhu ahaa mid lagu doonaayay in lagu khaarijiyo Agaasimaha oo isagu loogu xiray kursigii uu ku fadhiyay.

Burbur ayaa soo gaaray gaariga waxaana durbadiiba goobta isku gadaamay Ciidamada Degmada iyo ilaalada Agaasimaha.

Qaraxaani ayaa noqonaayo kii Lixaad oo ka dhaca Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay dhalatay Bisha ramadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com