Wada-hadal u furmay Galmudug iyo Ahlu-Sunna!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in si qarsoodi ah uu u bilowday wada-hadalkii Maamulka kala dhexeeyay Maamulka Ahlusuna wal-jameeca.

C/qani Aadan Gargaar oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa xaqiijiyay in wada-hadalka ay ka qeybqaadanayaan Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia oo ku sugan Cadaado, waxa uuna sheegay in xal loo raadinaayo khilaafka Maamulka kala dhexeeyo Ahlusunna.

Waxa uu xildhibaanka sheegay in ay doonayaan in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo oo laga soo gudbay xiligii Xooga iyo Dagaalka wax lagu raadin jiray.

”Wada-hadalka si isfahan ah ayuu ku socdaa waxaan rajeyneynaa in Ahlusunna ay aqbasho in xal laga gaaro khilaafka kala dhexeeya DF iyo Maamulka Galmudug”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xusein Gulleed ayaa sheegay in damaciisa uu yahay in si wada jir ah ay u xaliyaan Khilaafka iyo cabashooyinka Ahlusunna, waxa uuna dhawaan ballan qaaday inuu waxbadan ka bedeli doono Siyaasada Maamulka.

Geesta kale, Ahlusunna ayaa weli ku dhagan mowqifkeeda waxa ayna dalbaneysaa in laga qanciyo cabashooyinka ay tabanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com