Shir xasaasi ah oo ka dhacay Villa Somalia + DFS oo qorshe lama filaan ah ka leh arrinta badda !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa habeenkii labaad shir aan loo kala kicin ku yeeshay iyadoo shirkoodii xalay ay ku gaareen Waaberigii 3:00 habeenimo. Shirarkan ayaa salka ku haya arrin inta badan saxaafadda laga qariyay oo ku saabsan dacwada xuduudka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhex taagan.

Shirkii xalay oo aad loogu daalay waxay madaxda sare ee dowladda soo diyaariyeen Guddi khubaro ah oo u xil saaran dacwada xuduudka Badda, guddigan oo ah hormuud u tahay haweeney lagu magacaabo Muna Sharmaan oo la taliye u ah Xasan Sheekh ayaa warbixin ka jeedisay shirka golaha wasiirada iyadoo sheegtay in khabiirada u doodaya Soomaaliya ay talo ku soo jeedinayaan inay Soomaaliya la soo noqoto dacwada ay geysay Maxkamadda adduunka.

Haweeneydan ayaa sabab uga dhigtay taladooda:

In haddii Soomaaliya sii wadato dacwadeeda ayna dirto 13-ka Bishan July faahfaahinta laga sugayo ay dhici doonto:

1. In Kenya ay xaq u yeelato inay kusoo jawaabto muddo 8 bilood ah.

2. In Kenya ay soo xigan karto heshiisyadii is-fahamka ahaa ee hore ay ula saxiixatay dowladda Soomaaliya, taasina ay keeni karto in dacwadu qaadato muddo 20 sanadood ah.

3. In Kenya ay sii wadan karto baarista shidaalka ay ka wado xuduudka Badda ee lagu muransan yahay.

Kadiba waxay talo ahaan ku soo jeedisay Muna in haddii Soomaaliya lasoo noqoto dacwada ay ka heli karto faa’iidooyin ay ka mid yihiin:

1. In markii ay doonto dib ugu noqon karto dacwadii

2. In loo aqoonsanayo Soomaaliya inay dadaal weyn u gashay in arrinta xuduudka Badda ee kala dhaxeeya Kenya la xaliyo

3. Iyo in Kenya ogoshahay waanwaan in lagu dhameeyo muranka xuduudka Badda.

Golaha wasiirada ayaa dood kulul ka yeeshay arrintan waxaana intooda badan ka hor yimaadeen talada khubarada u doodeysa Soomaaliya, iyagoo ku adkeystay inaysan suuragal ahayn in dacwadaasi la soo celiyo oo ay keeni karto in xukuumadda lagu kaco ayna soo laabato tuhunkii bad-iibsiga ahaa ee hore loogu eedeeyay Cumar C/rashiid.

Cumar C/rashiid ayaa ku dooday inaan lacag loo haynin dacwada Badda oo muddo dheer socon karta ugu yaraanna u baahan lacag ka badan 5 milyan oo doolar, waxaaba arrintaas ka hor yimid qaar kamida golaha wasiirada.

Xubnaha Golaha wasiirada ayaa ku taliyay in arrintan lala wadaago guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka inta aan go’aan laga gaarin arrintan halisteeda leh, waxayna arrinta u muuqatay mid hore loo dhammeeyay oo ay ka war qabaan madaxda sare ee dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kaliya la doonayo in laga ansixiyo Golaha wasiirada.

Qareenada Soomaalida u doodaya oo ay Muqdisho ka joogto Haweeneyda Muna iyo Khabiir la socda ayaa lagu waday inay madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo horeba uga war qabay laguna qanciyay arrintan ay u tageen maanta, lagana helo taageero ku saabsan in Soomaaliya la noqoto dacwada badda ee kala dhaxeysa Kenya.

Waxaa kaloo la yaab lahayd in Khubaro loo xil saaray dowladda Soomaaliya ay talo ku soo jeediyaan in laga noqdo dacwada Soomaaliya ka gudbisay dalka Kenya ee ku saabsan xuduudka badda ee Kenya sheegatay, waxaana fajaciso keentay in khubaro dacwad loo dirsaday ay keenaan talo shaqadooda lidi ku ah.

Golaha Wasiirada ayaa lagu wadaa inay ansixiyaan in dacwada ay dowladda Soomaaliya ka taalla maxkamadda adduunka ee ku saabsan muranka xuduudka badda ee Soomaaliya iyo Kenya dib loo soo celiyo si jidka loogu xaaro in wadahadal lagu dhameeyo arrintan…..!!!

Wasaarada Warfaafinta ayaa inta ka horeysa qorshahan fulintiisa u xil saaran inay dadka ku maaweeliso inay Soomaaliya qoreyso dacwadii xuduudka Badda oo ay 13-ka Bishan geyn doonto maxkamadda Adduunka, iyadoo aan marnaba ka tanaasuli doonin xaqeeda dhinaca badda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com