Goorta uu furmayo shirka dhismaha MAAMULKA HIIRAAN iyo Shabeellaha Dhexe oo la shaaciyey!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo mudooyin badan Maamulka Gobolka Hiiraan laga sugaayay xiliga rasmiga ah oo uu furmayo Shirka Maamul u samaynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa hadda si rasmi ah loo shaaciyay goorta uu shirkaasi furmaayo.

Xogyahaya Guud ee Maamulka Gobolka Hiiraan Salaad Xasan Cabdi, ayaa shaaciyay in Maamulka uu isla gartay in Shirka Labadaasi Gobolka si rasmi ah loo furo Seddex maalin kadib markii laga baxo Bisha ramadaan.

Waxa uu sheegay in gogosha shirkaasi ay weli tahay mid ka fidsan Magaalada Beledweyne.
Waxa uu sheegay inay iminka wadaan diyaar-garow ku aadan Qabsoomida Shirkaasi, iyadoo Shirkii kale ee dib u Heshiisiinta iyo Aayo ka talinta Gobolka Hiiraan uu marayo heer gabogabo.

Sidoo kale, Salaad Xasan Cabdi, ayaa tilmaamay in dadku ay yihiin kuwo ka dhowr sugaayo natiijooyinka kasoo bixi doono Shirka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay guulaha kasoo bixi karo.

Geesta kale, DF Somalia, ayaa dhowr jeer ku celcelisay in qorshooyinka ay ka damacsan tahay dhismaha Maamulkaasi uu yahay mid leysugu keeni doono bulshada wada degta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com