XOG: DF oo qaab farsamo ah ula soo noqoneysa dacwadii badda kaddib go’aankii baarlamanka !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku baheystay qorshe qarsoodi ah oo dowladda Soomaaliya ay dib uga laabaneyso dacwadii xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo xalay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay asixiyeen in wadahadal ay la galaan Kenya, iyadoo lagu dhinac wadayo dacwada.

Golaha wasiirada xukuumadda ayaa laba habeen ku qaatay dooda ku saabsan arrinta ka noqoshada dacwada iyadoo lagu qanciyay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka iyo xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, Khubaro Soomaali iyo ajnabi ah oo dacwada loo xilsaaray ayaa waxaa Muqdisho ka yimid laba xubnood oo ay hogaamiso Muna Sharaawi oo dadaal weyn u galay inay qanciyaan hay’adaha dowladda ku qanciso ka laabshada dacwada iyo wadahadal lala furo Kenya.

Golaha wasiirada iyo guddiya joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa la shaaciyay inay ansixiyeen in la sii wado dacwada iyadoo madax ka tirsan dowladda ay warbaahinta ka sheegeen in dacwadaas darteed loo aadi doono xarunta maxkamadda adduunka.

Xogta ayaa sheegeysa in wafdiga oo ay Qareenada Soomaaliya u doodaya ku wehlin doonaan Garyaqaanka guud ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale ay gudbin doonaan dacwada, iyadoo kadibna qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya geyn doono maxkamada Wasiirka arrimaha dibadda C/salaan Hadliye Cumar.

Qoraalkaas ayaa dowladda Soomaaliya ku cadeyn doontaa inay diyaar u tahay wadahadal ay arrinta muranka xuduudka badda kala yeelato Kenya, waana arrintaas tan keentay in golaha wasiirada, guddiga baarlamaanka iyo madaxda sare ee dowladda soo fara geliyaan si dacwad ka noqoshanada ugu dhacdo si qarsoodi ah.

Wasiiro badan iyo xildhibaano badan ayaa ogolaaday arintan loogu sheegay inay tahay dacwadii oo la bilaabayo oo 13-ka bishan furmeysa, waxaase cad in wax waliba soo bixi doonaan marka qoraalka dowladda ee rasmiga ah loo gudbiyo maxkamadda, kaasoo xambaarsan in dowlada Soomaaliya wadahadal la galeyso Kenya.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda kale ee dalka ayaa inta howshan qabsoomeyso waxay saxaafadda ka sheegi doonaan in dacwada la sii wadi doono oo aan marna laga noqon doonin.

Isha goobjooge