Warbixin sir ah: Musuqmaasuqa, tagri-falka, iyo boobka hantida qaranka Somalia

MOWQIFKA GURMAD № 5 (LUULYO 1, 2015)

Hordhac

Tan iyo intii ay duntay dowladnimadii Soomaaliya 1991kii, waxaa hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya soo waajahay hagardaamooyin fara badan oo isugu jira kuwo shisheeye soo maleegay iyo qaar gudaha laga abaabulayba. 25kii sano ee la soo dhaafay, shacabka Soomaaliyeed waxaa isugu darsamay dhibaatooyin laga dhaxlay colaado ay dowlado shisheeye soo huriyeen, dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday iyadoo aysan jirin dowlad difaacda danta dalka iyo dadka iyo weliba argagixisada caalamiga ah oo dalka hoy ka dhigatay. Sidaas oo ay tahay, shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda marna kama lumin rajada ay ka qabaan in laga gudbo dhibaatooyinkan oo dalka Soomaaliya yeelan karo aayatiin wanaagsan oo dhidibbo adag ku taagan.

Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu si cad u farayaa in shacabku helo matelaad wanaagsan, caddaalad bulsho, in aan gorgortan laga geli karin madaxbannaanida iyo midnimada jamhuuriyadda iyo in sare loo qaado “xuquuqda Aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.” Arrimahani waxay ka turjumayaan himilada suubban ee shacabka Soomaaliyeed.

Qodobbadaas dastuuriga ah ma ahan erayo aan micno lahayn. Gurmad wuxuu u arkaa qodobbadaas kuwo ay ku khasbanyihiin madaxda iyo shaqaalaha dowladdu in ay dhowraan. Haddaba, markii Gurmad iyo dhaqdhaqaaqyada shacabka ee la midka ah ay arkaan hindisayaal aan ka turjumayn danaha dadka iyo dalka, waxaynu ku khasbannahay oo xil inaga saaranyahay in aynu jawaab bixinno oo aynu qaadno tillaabooyin. Sidaas awgeed, wuxuu Gurmad soo saaray warqaddan oo ka jawaabaysa dhibaatooyin halis ku ah qarannimada Soomaaliya.

Haddaba, waa in ay ogaadaan madaxda Soomaaliyeed ee wax is daba marinaya iyo shisheeyaha ay la shaqaystaanba in musuqmaasuqa iyo boobka hantida guud ee lagu qaadanayo magaca qaranka aanay u dulqaadan doonin shacabka Soomaaliyeed la isagana daba iman doono.

Musuqmaasuqa Caadada u Noqday Hay’adaha Dowladda

Iyada oo ay Soomaaliya saxiixday Heshiiska Ka Hortagga iyo La Dagaallanka Musuqmaasuqa ee Midowga Afrika- oo in kasta oo aanu ansixin baarlamaanku- haddana waajib uga dhigaya dowladdu in ay ka fogaato dhaqan walba oo lid ku ah heshiiska- ayaa haddana musuqmaasuqu noqday wax aan laga hortegin lalana diririn. Taas baddelkeeda, wuxuuba musuqmaasuqu noqday wax ay ku tartamaan dadka xilalka haya iyada oo siyaasiyiintu u dhaqmayaan hab ku salaysan “qof walbow waxaad haaban karto boob” iyadoo loo xoolo urursanayo doorashada 2016ka. Dhowrkii sano ee tagay, dhulka hantida guud waxaa si sharci darro ah looga iibinayay ganacsato gaar ah iyo hay’ado iyo dalal shisheeye, taas oo keentay in dhammaan hantidii guud ee Muqdisho loo baddelo hanti gaar loo leeyahay. Shirkado qalaad sida Soma Oil oo xarunteedu tahay London (oo uu maalgeliyo siyaasi Ruush ah oo la yiraahdo Alexander Djaparidze) ayaa lala galay heshiisyo badda iyo berrigaba ay shidaal uga baarayaan iyada oo injineerro Soomaali ah oo ka tirsan Golaha Tamarka ee Bariga Afrika ay ka digeen in shirkaddaas lala galo heshiis maaddaama aysan lahayn awood caynkaas ah iyo sumcad wanaagsan toona.

Arrinta ugubka ah ee keentay in ay muran gasho xudduudda badda Soomaaliya ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay sheegatay in ay leedahay 12 nautical mayl oo xudduud badeed ah, taas oo ka hor imanaysa xeerka lambarkiisu yahay 37 ee 10kii Sebteembar 1972, kaas oo si cad u qeexaya in xudduudda badda Soomaaliya ay gaarsiisantahay 200 nautical mayl. Waddamada deriska ah ayaa dedaal ugu jira in ay derbiyo ka dhistaan gudaha ciidda Soomaaliya oo ay sheegtaan lahaanshaha badda Soomaaliya. Haddaba, halkii ay dowladdu ka difaaci lahayd gobannimada Soomaaliya, si loo dhowro danaha dalka ee dhinacyada nabadgelyada, diblumaasiyadda, dhaqaalaha badda, iyo bii’da dalka, waxay dowladdu ku habsaantay in ay heshiisyo qarsoodi ah la saxiixato danaystayaal caalami ah iyo in ay si sharci darro ah ugu dhawaaqdo xadka EEZ oo badda Soomaaliyeed gacanta ka bixinaya. Iyada oo ay socoto dacwad gaartay Maxkamadda Garsoorka ee Caalamiga ah oo ka dhalatay tillaabooyinkii dowladda ee xadeynta badda oo u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ayaanay arrintu ka madax bannaanayn musuqmaasuq iyo faragelin shisheeye. Markii 2013kii uu madaxweynaha Soomaaliya uu keligiis diray warqad sharci darro ah oo lagu yaraynayo xudduudda badda Soomaaliya ayaa Guddiga Qarammada Midoobay ee Dabagalka Soomaaliya waxay ku qoreen warbixintooda ujeeddada laga lahaa warqaddaas:

“31. Marka ay Soomaaliya qaadato xadka EEZ iyada oo la raacayo sharciga UNCLOS, Soomaaliya and Kenya waxaa laga doonayaa in ay billaabaan hal kale oo ay uga wada xaajoonayaan xadka badda oo ay isku waafaqaan. Arrintani waxay albaabka u furaysaa in dib loo calaamadeeyo xadka badda oo laga weeciyo xarriiqda dadabka ah lana raaco loolka. Marka xadka badda dib loo jeexo, dhammaan biyaha la isku haysto waxay toos u hoos tagi doonaan Kenya. Sidaas awgeed ayuu baarlamaanka Soomaaliya u codeeyay in aan la horkeeni Karin EEZ 8 Oktoobar 2011 xilligii Roadmapka. …33. Guddiga Kormeerku wuxuu helay macluumaad ah in dowladda Norway ay isku dayaysay in ay laaluushto xildhibaannada Soomaaliya iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya in ay sameeyaan xadka badda ee EEZ, taas oo sidii aan horay u sheegnay, keenaysa in la billaabo hawl kale oo dib loogu jeexayo xadka badda iyadoo la raacayo loolka.”

Arrinta oo dhan, iyadoo aanba la sheegin danaha is diiddan, iyo ajandayaasha kala duwan, waa arrin saamayn ku yeelan doonta mustaqbalka qarannimada dalka iyo dadka Soomaaliya. Gurmad iyo hay’adaha la fikirka ah way la socdaan arrintan waxaana naga go’an in aynu la xisaabtanno oo sharciga horgeyno cid walba oo ka qaybqaadata boobka hantida guud ee Soomaaliya.

Gunaanad

Bilihii la soo dhaafay, Gurmad wuxuu talooyin wax-ku-ool ah u soo bandhigay baarlamaanka iyo dowladda Soomaaliya si loo gaaro nabad, xasillooni, horumar iyo sidii si hagaagsan loogu diyaar garoobi lahaa kalaguurka siyaasadeed ee 2016 iyada oo la dhisayo hannaanka doorashooyinka, dib loo saxayo sharciyadda maamul goboleedyada aan dastuurka waafaqsanayn ee dalka ka samaysmay, la dhammaystiro guddiyada dastuuriga ah, oo laga saaro dalladda AMISOM ciidammada ka socda dalalka deriska ah oo danahooda iyo danta Soomaaliya ay si cad isu diiddanyihiin. Si kastaba ha ahaato, waxaa haatan si baahsan u hirgalay musuqmaasuq iyo boob hantida qaranka Soomaaliya oo ay wadaan siyaasiyiin Soomaali ah, dalal shisheeye iyo shirkado caalami ah; haddaba, waxaa waajib ku ah xubnaha Gurmad in ay ku dhawaaqaan arrimaha soo socda:

  1. Gurmad wuxuu adkaynayaa ahmiyadda in la daafaco, qiime walba ha ku kacdee, madaxbannaanida, gobannimada iyo midnimada xudduudaha dalka Soomaaliya.
  2. Gurmad wuxuu ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya inay si habsami leh ugu gudbiso dacwad dhammaystiran ICJ muddada loo qabtay oo ku eg 13 Luulyo, 2015. Xudduud badeedka Soomaaliya waxaa qeexay Xeer Lam. 37 ee 10kii Sebteembar 1972 waana 200 nautical mayl.
  3. Iyadoo la dhowrayo go’aankii baarlamaanka ee 8 Oktoobar, 2011, hay’adaha dowladda sida madaxtooyada, golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo maamul goboleedyada midna awood uma lahan sharciyadna uma haystaan in ay baddelaan, dib u eegaan, ama wada hadal cidna kala galaan xudduudaha badda, berriga, iyo hawada Soomaaliya. Ciddii wadahadal ka gasha xudduudaha Soomaaliya waxay ku eedeysantahay khiyaano qaran.  
  4. Sharciyadda iyo ansaxnimada heshiis walba, is-fahan caalami ah, qoraal ama is-af-garad walba oo caalami ah oo ay saxiixeen hay’adaha dowladda Soomaaliya intii ka dambaysay 1991 waxaa ku jira tuhun weyn waana lagu noqon doonaa sharci ahaanshihiisa iyada oo la marinayo baaritaan adag oo sharci iyo qaanuuni ah markii ay diyaar noqdaan hay’ado sharci iyo garsoor hab dimuqraaddi ah lagu soo dhisay. Intaas ka hor, Gurmad wuxuu ku dhiirri-gelinayaa dhammaan hay’adaha dowladdu in ay maraan hab-raaca sharciga ah oo ay dhowraan danta dadka iyo dalka inta aanay wax heshiis ah gelin.
  5. Dowladaha shisheeye, shirkadaha iyo hay’adaha iyo shakhsiyaadka ka faa’iidaystay musuqmaasuqa, heshiisyada iyagana lala galay sidaas oo kale ayaa loo burburin doonaa.  
  6. Siyaasiyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah xil walba oo ay u hayaan dowladda Soomaaliya waa in lagula xisaabtamo fal walba oo khiyaano qaran, musuqmaasuq, wax is-daba-marin, laaluush ama boob hanti guud ah.
  7. Faa’iidada sida sharci darrada ah looga helo hanti guud, xataa haddii magac sharci ah lagu helay, waxaa la wareegi doonta dowladda.
  8. Gurmad wuxuu ugu baaqayaa baarlamaanka Soomaaliya in uu la xisaabtamo, xilkana ka qaado qof walba oo gala khiyaano qaran oo wax u dhimaysa midnimada xudduudaha dalka, gobannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.  

Mar haddii xilligran ay boobka iyo iibka hantida qaranka, kala dhantaalka midnimada dalka iyo musuqmaasuqu noqdeen wax la isugu faano, oo lagu sifoobay oraahdii hoggaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdille Xasan “nin dalkiisii iibsaday, dulli buu ku waariye” waxaynu ugu baaqaynaa muwaadin walba oo Soomaali ah in uu feejignaado kana qayb qaato difaaca hantida qaran iyo xudduudaha dalka si ay jiilalka dambe ugu aayaan dedaalka aan samaynayno. Waxaan ogsoonnahay in xoog, xeelad iyo xoolo intaba la adeegsanayo si baddeenna la inooga dhaxal wareejiyo, balse Gurmad iyo dhaqdhaqaaqyada waddaniga ah ee la argtida ah waxay ku hawlanyihiin diyaarinta qorshe mustaqbalka dhow iyo kan fogba lagu samata bixinayo Soomaaliya lagulana xisaabtamayo dadka u adeegsada xilkooda in ay galaan musuqmaasuq iyo khiyaano qaran. Bilaha soo socda, Gurmad wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin lagula xisaabtamayo dadka Soomaalida ah iyo kuwa shisheeyaha ah ee wax is daba mariya. Dhagar-qabayaasha ku sugan Soomaaliya iyo dunida dacalladeeda ee ka qaybqaata dhaxal wareejinta iyo musuqmaasuqa hantida guud ee Soomaaliya waa in ay ogaadaan in uu soo dhammaaday xilligii musuqmaasuqa iyo khiyaanada dalka ay ka macaashi jireen isla markaasna ay aqoonyahanno Soomaaliyeed isu taageen la xisaabtanka cid walba oo dhagar ka gasha danta dalka iyo dadka Soomaaliya.