400 oo qaxooti Soomaali ah oo lagu dilay dalka Yemen

Cadan (Caasimada Online) – Dad gaaraya ilaa 400 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalka ka socda dalka Yemen tan iyo intii uu bilowday sannadkii 2015-ka, sidaasi waxaa yiri qunsulkii hore ee Soomaaliya ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed oo toddobaadkan kasoo laabtay dalka Yemen.

Xuseen Xaaji Axmed oo haatan ah safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed ayaa idaacadda VOA u sheegay in dadkaasi badankooda ay ku dhinteend duqaymaha cirka ah.

Dadka dhintay waxa ku jira in ka badan 40 qaxooti Soomaali ah oo bishii Maarso ee sannadkii hore ay diyaarado helikobtarro ah ku duqeeyeen iyaga oo doonayey inay doon ka raacaan magaalada Xudeyda.

Duqeymaha ka socda dalka Yemen ayaa waxaa fuliya xulufada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta, ee iyagana taageerada ka hela dalka Iran.

Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dadkan badankood ay ku dhinteen dalka Yemen ayaga oo ka cararaya dhibaatada dalkaas ka taagan ee duqeymaha ay ugu weyn yihiin.

Dadka dhintay ka sokow, waxaa jira dad dhibaato badan ay haysato, sida qaar ka go’ay lugaha, qaar gacmaha belay, iyo qaar qaba dhaawacyo kale oo halis ah.

Haaruun Macruuf oo VOA ka tirsan ayuu Xuseen Xaaji uga warramay macluumaadka ku saabsan dhimashada Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com