Dhageyso: Muuse Biixi: DP World waa ay ku mahadsan tahay inaysan dhageysan DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay ballaarinta dekadda weyn ee magaalada Berbera ayaa sheegay in shirkadda DP World ay mudan tahay ammaan weyn oo ku aadan mashruuca dekedda Berbera.

Waxa uu sheegay in madaxda shirkada DP World uu uga mahad celinayo inaysan dheg jalaq u siinin hadalkii dowladda federaalka ee ahaa in dekadda aan lagu wareejin karin shirkado, iyada oo aan fasax laga heysan dowladda federaalka.

“Shirikada DP World waxaan uga mahad celinayaa inaysan dheg jalaq u siinin hadalka dowladda federaalka, waana mudan yihiin in loo mahad celiyo” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay furitaanka dekedda.

Markii shirkada DP World lagu wareejiyay dekada magalada Berbera ayaa taasi waxa ay sababtay in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galo dowladda federaalka iyo Imaaraadka Carabta oo ugu dambeyn dhaliyey in shirkada DP World ee Imaaraadka dalka laga mamnuuco.

Si kastaba Imaaraadka Carabta ayaa ku gacan seeray go’aannada dowladda Soomaaliya, waxayna sii wataan heshiisyada ay la galeen Somaliland iyo Puntland ee ay kula wareegeen dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Muuse Biixi

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com