Somalia oo lasoo wareegtay qalab maamulka hawada ka harsanaa (Arag Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa si rasmi ah ula wareegtay qalabkii haraadiga ahaa ee yaalay xafiiska Maamulka Hawada Somalia ee magaalada Nairobi.

Qalabka oo muhiim u ahaa dowlada ayaa waxaa goobta lagu wareejinaayay ku sugnaa Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo shaqsiga dowlada ugu magacaaban Siihayaha safaraada Somalia ee Kenya Cali Maxamed Sheekh.

Waxaa goobta ku sugnaa Saraakiil ka tirsan laanta duulista iyo Hawada Kenya oo iyagu loo soo xilsaaray inay wareejiyan qalabka oo markii hore ka dhinaa dowlada Somalia.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Oomaar, ayaa sheegay in dhammaan qalabkii yaalay Xarunta laga maamuli jiray Hawada Soomaaliya lagu wareejiyay isla markaana ay ku xareeyen safaarada Soomaliya ee Kenya.

Oomaar, waxa uu sheegay in qalabkaasi uu yahay hanta Qaran sidaana looga shaqeyn doono Somalia, waxa uuna muujiyay dareen ku aadan in baahi loo qabay qalabka.

Hawada Soomaaliya ayaa haatan waxaa laga maamulaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kadib dadaal dheer oo ay muujisay dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.