Somalia oo ka mid noqotay xubnaha gudiga xuquuqul insaanka QM ee joogtada

New York (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay in aay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.

Doorashada oo dhacday maanta aya waxaa dardargelinta guushaan Soomaaliya horseed u noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cismaan, kaasoo u galay dadaal dheeri ah sidii ay Soomaaliya ugu guuleysan lahayd ka mid noqoshoda ururka xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay

Doorashada oo dhacday maanta oo Jimco ah ayaa waxaa Afrika u tartamay in ka badan 25 wadan waxaaana doorashada ku guuleystay shan waddan oo ka socda qaarada Afrika kuwaas oo kala ah.

  1. Burkino Faso oo heshay 183 cod
  2. Togo aya heshay 181 cod
  3. Cameroon aya heshay 176
  4. Soomaaliya aya heshay 170 cod
  5. Eritereeya aya heshay 160

Shanta wadan aya u galay qaaradda Afrika ururka xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.