Donald Trump oo Somalia u magacaabay danjirihii ugu khibrada badnaa + Sawiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka ayaa danjire cusub u soo magacaway Somalia, kaa oo ka shaqeyn doona isku xirka labada dal ee Somalia iyo Mareykanka.

Danjirahani ayaa Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya waxaana lagu magacaabaa Danjire Donald Yamamato oo in muddo ah kusoo shaqeeyay Danjirenimo.

Danjire Donald Yamamato, ayaa khibrad aad u badan u leh dhinaca dibloomaasiyadda waxa uuna kasoo shaqeeyay wadamo dhowr ah.

Danjire Yamamato ayaa horay danjiranima uga soo shaqeeyey waddama badan oo qaaraddan Afrika ka tirsan, wuxuu noqday danjirihi ugu waaya aragnimada badnaa ee Soomaaliya loo magacaabo tani iyo inta ay Soomaaliya burbrutay mareykankana uu xiray Safaaraddiisi Muqdisho.

Danjirahani 2015-2016 wuxuu xilal kala duduwan uu ka soo qabtay dalka Afqaanistaan, 2016-kina waxaa loo magacaabay madaxa howlgalka arrimaha Soomaaliya ee xafiiska Muqdisho

Yamamato waxa uu noqday wakiilka gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka u qaabislan arrimaha Afrika, wuxuu danjire uu ka soo noqday dalalka Eretrea (1997-1998), Djibouti (2000-2003) iyo Ethiopia (20016-2009).

Dhinaca kale, Trump oo Yamamato Danjiraha Soomaaliya u magacaabay ayaa aqalka sare ee Mareykanka u magacaabiddiisa ku meel mariyey cod buuxa.

Trump ayaa sheegay in Yamamato uu noqon doono Danjirihii ugu wanaagsanaa oo dalkiisa u fadhin doona Somalia.