Daneysiga siyaasadeed ee Puntland & sida maamulada kale aysan u fahamsaneyn (Maxaa ka dhacay Garowe)

Puntland caadiyan waa maamul ku caan baxay laba wajiilenimada iyo daneysiga siyaasadeed.

Walow ay tahay Maamulkii ugu horreeyey ee laga dhiso Koonfurta Soomaaliya, waxaa jirtay xilli ay dhibaato iyo arbush ku haysay dowladdihii KMG ahaa sida tii Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xassan iyo Shiekh Shariif Shiekh Axmed.

Hadda oo ay soo bexeen Maamulo kale, ma muuqataa mid ay hoos u dhacday saameynteedii siyaasadeed waxa ayna majaraha u qabatay saddex ka mid ah shanta Maamul ee Koonfurta Soomaaliya ka hana qaaday.

Marka laga reebo HirShabeelle, oo dhawaan fahantay ujeedka siyaasadeed ee loo unkay golaha Iskaashatada Maamulada iyo danaha hoose ee Maamulka Puntland, inta kale waxa ay u muuqdaan kuwo ka dhoohan oo ka indha la’a laba wajiilenimada siyaasadeed ee Garoowe.

Maxaa ugu dambeeyey oo taas caddeyn u ah?

Waxaa shalay Garoowe lagu soo gunaanaday shir u socday guddiga Dastuurka dowladda Federaal-ka iyo guddiyahada kale ee heer maamul!

Ogow shirku waxa uu ka dhacay Garoowe!? Waa yaabe, miyeysan Maamuladdii wada shaqeynta dowladda Federaal-ka hakin oo miyeysan Puntland hormuud arrintaas ka ahayn!

Ku darso, dhawaan waxaa xubin Baarlamaan lagu doortay Garoowe oo uu ku soo baxay Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xassan!

Puntland waa ay diiday shirarkii kale, iyo in wasiirada dowladda tagaan ama ay shir u qabtaan Garoowe. Sababta ay shirka dastuurka u ogolaatay ayaa ah, in dastuurkan markii hore ee la sameynayeyba ay ayada afduubatay oo danteeda lagu salleeyey, haddana ma dooneyso inay seegto go’aanada la xiriira.

Puntland waxay mar walba sameyneysa wixii ay danteeda ka aragto, waa yaabe, miyeysan Maamulada ka quusan laba wajiilenimada Puntland! Mise waligood wey dhoohnaan doonaan!

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid