Qorshe la rabo inay madax goboleedyada fasax kasoo qaataan DF markay Kenya tagayaan oo lasoo jeediyey

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeekii hore ee Baarlamanka Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa uga digay dowladda Kenya in madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya ay halis ku yihiin amniga Kenya, ayna tahay in la baaro inta aysan soo gelin.

Faarax Macallin oo qoraal soo dhigay Twitter-kiisa aadka loogu xidhan yahay, ayaa tusaale usoo qaatay in mas’uuliyiinta xilka ka haya dowladda Kenya aysan dalka ka bxiin, iyaga oo aan fasax ka haysan xafiiska Madaxweynaha.

Isaga oo taas ka duulaya, Faarax waxa uu sheegay in amniga Kenya ay u wanaagsan tahay in sidoo kale mas’uuliyiinta Soomaaliya ee soo galayo la’iska hubyo (Waxa uu ula jeedaa Madaxda Maamul Gobolleedyada).

Sidan ayuu u dhigay qoraalkiisa -“Mas’uuliyiinta dowladda Kenya dalka kama safri karaan iyaga oo aan ogolaansho xafiiska Madaxweynaha ka haysan. Waa tallaabo amni oo noo wanaagsan in aan dhammaan madaxda Soomaaliya ee soo aadaya Kenya siinno ogolaasho. Madaxda Goboladda ee Soomaaliya waxa ay Nairobi ka hagardaaminayaan Muqdisho.”

Waxa uu Faarax Macallin sheegay in madax goboleedyada Soomaaliya, oo uu ugu yeeray agoonta TPLF iyo Imaaraadka ay toddobaad Nairobi ku lahaayeen shir ka dhan ah danta Soomaaliya, islamarkaana Uhurru uu ka war-hayey.

Waxa uu sheegay inaysan ku kulmi karin Addis-Ababa, islamarkaana maalmahooda uu kooban yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com