5 arrimood oo laga bartay shirkii Kismaayo ugu soo dhammaaday maamullada

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland ayaa dhawaan wuxuu shir ugu soo xirmay magaalada Kismaayo.

Shirkaas qodobadii kasoo baxay waxaa ugu muhiimsanaa inay maamulada joojeyn wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda Dhexe kadib markii ay dowladda ku eedeeyeen inay fulin weysay heshiisyadii horey loo galay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Shan qodob oo laga bartay Shirkii Maamul Goboleedyada ugu soo dhamaaday Kismaayo iyo war murtiyeedkii laga soo saaray:

1) Heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka DF iyo Maamulada

War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Kismaayo kusoo dhamaaday wuxuu caddeyn buuxda u yahay inuu meel sare gaaray khilaafkii uu dhaxeeya maamulada iyo dowladda Dhexe.

Khilaafka ayaa gaaray heer ay maamulada yeeshaan Seddex kulan iyadoo la xasuusto in kulankii koowaad ee ka dhacay Kismaayo kadib ay wada fadhiisteen dowladda dhexe iyo Maamulada isla markaasna aan wax natiijo ah laga gaarin khilaafkaas iyadoo ugu dambeyn xiriirka la isku jaray.

2) Dowladda ma xakameyn karto Maamul Goboleedyada:

Shirka Kismaayo waxaa laga fahmay inaysan dowladda xakameyn karin maamul Goboleedyada, xataa aysan awood u laheyn inay soo xiro gashato ugu yaraan laba maamul Goboleed.

Dowladda ayaa suuqa lasoo gashay Istaraatiijiyad dardar ah oo ku saleysan in si deg deg ah meesha looga saaro Madaxda Maamul Goboleedyada maadaama aysan diyaar u aheyn inay ku shaqeeyaan siyaasadda dowladda Dhexe.

4) Kursiga Maamul Goboleedyada oo culeys soo fuulay

Maadaama ay 3 kamid ah Maamul Goboleedyada oo kala ah:  Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ay wajahayaan doorashoyiiin waxaa muuqato in dowladda dhexe uu culeys badan kaga imaanayo isla markaasna ay dowladda wadato musharixiin ay dooneyso inay boosaskaas geysato taasoo kentay inay maamul Goboleedyada difaac xirtaa isla markaasna ay qaab kasta uga hor imaadaan hamiga ku jiro dowladda dhexe.

Federalism-ka suurtagel uma ahan Somalia

Shirka Maamul Goboleedyada iyo midowga ay sameysteen wuxuu caddeyn buuxda u yahay in lagu qaldoomay nimdaamka Federtalism-ka ah ee laga hirgeliyey Soomaaliya.

Soomaaliya oo dhibaato weyn kasoo kabaneyso xilligaan macquul uma ahan inay u dulqaato xukunka 6 Madaxweyne oo mid kasta wato qorsho iyo ujeedo gaar ah.

Soomaaliya waxay u baahan tahay hal madax weyne oo dalka kusoo celiyo dowladnimada iyo kala dambeynta balse waxaa moodaa inuu Federalism-ka kasoo hormaray waqtigiisa.

5) Isku xirnaanta Madaxda Maamul Goboleedyada

Seddexdii shir oo ay Maamul Goboleedyada ku yeesheen Kismaayo iyo Baydhabo waxay si cad u muujiyeen in Maamul Goboleedyada ay isku xiran yihiin isla markaasna ay ka go’an tahay inay si wadajir ah uga hortagaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan ku qanacsaneyn siyaasadda ay wadaan Madaxda Maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com