C/llaahi Sheekh Ismaaciil: Maamul goboleedyada ma rabaan jiritaanka qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay talaabadii ay maamul goboleedyada ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda dhexe ay la lahaayeen.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay yihiin kuwa aan dooneyn jirintaanka dowladnimada Soomaaliya dano gaar ahna ka leh dowladda sida uu sheegay.

Waxa uu ugu baaqay iney ilaaliyaan sharciga kana shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa dalka sidoo kalena aan hada loo baahneyn khilaaf, wuxuu kaloo tilmaamay in dowladda dhexe ay leedahay awood ay dalka oo dhan ku maamusho, dowlad goboleedyadana looga baahan yahay iney shaqooyinka ugu dambeeyaan dowlad dhexe.

“Sida aan aniga hada u jeedo waxay ku heshiiyeen maamul goboleedyada inay dumiyaan qaranka, nimankan sidoodaba waxaa ka go’an in dowladda dhexe ay lugta qabtaan, si ay u gaaraan dano gaar ah oo ay leeyihiin, maxay wax uga qaban waayeen amniga goobaha ay joogaan, waxaan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan sharciga”. Ayuu yiri xildhibaan C/laahi.

Madaxda maamul goboleedyada oo Sabtidii uu shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen inay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe, ilaa laga xaliyo tabashada ay qabaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com