Khasaaraha ka dhashay qaraxii degmada Hodan iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo tagay xarunta degmada Hodan ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, kaasoo maanta ka dhacay xarunta degmada Hodan.

Gudoomiye Yariisow waxaa uu sheegay gaariga qarxay in uu xoog kusoo jiiray Barkontarool ka mid ah Meelaha laga ilaaliyo degmada ka dibna uu gudaha u galay xarunta degmada.

Waxaa uu sheegay in ay hadda ku jiraan gurmad loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado gaartay,islamarkaana Qaraxa uu sababay dhimasho, Burbur iyo dhaawacyo, inkasoo gudoomiye yariisow uu shaacin tiradda waxyeelado soo gaartay.

Ilo Madax banaan ayaa xaqiijiyay ku dhawaad 7 qof in ay dhinteen, kuwaasoo isugu jira Askar iyo Shacab.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari Nooca raaxadda ah oo uu waday qof Naftii halige ah.

Gudoomiyaha degmada Hodan ayaa badqaba, waxaana hadda uu ku jiraa dadka gurmadka u sameynaya dadka ay waxyeelado gaartay , inkastoo ay jiraan xubno maamulka ka tirsan oo dhaawacyo ay soo gaareen.

Mudo toban Maalmood gudahood ah waa Xaruntii labaad oo weerar ismiidaamin ah lagu qaado,iyada oo todobaadkii hore la weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-wadag ee Gobolkan Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com