JUBBALAND oo shaacisay go’aankeeda shirka uu ku baaqay FARMAAJO (Aqri)

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa cadeysay Mowqifkeeda ku aadan shir degdeg ah uu isugu yeeray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib qodobada kasoo baxay shirka Kismaayo.

Qoraal lagu soo daabacay Barta Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uusan ka qeybgali doonin shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka oo si gaara loogu soo daabacay Bogga Twitter-ka Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirse ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uusan qeyb ka noqon doonin shirka.

Wasiirka waxaa uu sheegay in aysan Jubbaland ka qeyb gali doonin shirka golaha amniga,ee bishan dhexdeeda ka furmaya Magaalada muqdisho, isla markaana lagu casuumay dhamaan madaxda Maamul gobaleedyada.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in shirkaasi haba yaraatee uusan khuseyn Jubbaland, isla markaana aysan ka qeybgali doonin xubno ka tirsan maamulka.

Jubbaland ayaa horay u sheegtay in gabi ahaan ay xiriirka u jartay dowlada Somalia, iyadoo warbixin saaka soo baxdayna lagu sheegay inaysan wada shaqeyn Karin Hay’adaha maamulka iyo kuwa dowlada.