Xaaf oo ka qeyliyey tiitiin uu sheegay in loo abuuray

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyin farabadan oo uu sheegay in maamulkiisa ay ku hayan mucaaradka.

Xaaf ayaa sheegay in mucaaradka ay tiitiimo u beerayan maamulkiisa isla markaana ka shaqeynayan sida ay ku burburi laheyd Galmudug.

Xaaf ayaa hadalkan sheegay kadib markii shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna cod dheer ku sheegay inuu aad ula socdo dhaqdhaqaaqa mucaaradka.

Wuxuu sheegay in la isku qaban karo arrimo siyaasadeed, balse wuxuu ka dalbaday xubnaha dhaliilsan siyaasadiisa in aysan marnaba qaadan qorshe ku aadan duminta maamulka Galmudug.

“Waxaa jira mas’uuliyiin badan oo aad iiga soo horjeeda hadii aan kala siyaasad duwanaanay maaha inay ka shaqeeyan duminta maamulka, waxaan doonayaa inad iga qafiifisan culeyska”

“Wan qabaa in wax la mucaarado balse  mucaaradnimadiina waa inay ahaataa mid wax dhiseysa, ma fiicno mucaaradnimo wax dumineysa, ummadda hala wacyi geliyo dadka haloo sheego waxa wanaagsan”.

Sidoo kale, Mucaaradka ayuu sheegay inay isugu jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo kasoo jeeda Galmudug iyo kuwo xilal ka haya maamulkiisa oo iyaguna diidan siyaasada Xaaf”.

Haddalka Xaaf, ayaa imaanaya xili mas’uuliyiin ka kala tirsan dowlada iyo maamulka ay ka shaqeynayaan sida lagu tuuri lahaa Xaaf iyo xubno kale oo ka tirsan Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com