DF oo war ka soo saartay in dal shisheeye uu shidaal ka qodanayo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay warar sheegaya in dowlada Norway ay shidaal ka baareyso Gudaha Somalia.

Dowladu waxa ay sheegtay inaanu jirin qorsho ku aadan in xiligani shidaal baaris ay dowlada Norway ka sameyso Somalia, warkaasina uu yahay mid aan xaqiiqda ku saleysneen.

Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka Xukuumadda Somalia C/rashiid Maxamed Axmed oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay tahay mid been abuur ah.

Wasiirka oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaalida ee Oslo Norway,ayaa sheegay in Norway iyo Somalia ay leeyihiin xiriir wanaagsan, hase yeeshee aysan jirin baahi Somalia ku khasbeysa in Norway ay shidaal u baarto.

Wasiirka waxaa uu meesha ka saaray in dowlada Somalia ay qandaraaska heshiiska barista shidaalka siisay Norway, waxa uuna tilmaamay inay jiraan howlo kale oo muhiim ah.

“Waxaan qirayaa inaanu jirin wararka sheegaya in dowlada Somalia ay Norway ka caawineyso barista shidaalka ku jira Somalia”

Sidoo kale, Wasiirka waxa uu beeniyay in dowlada Somalia ay heshiis gaara iyo mid guudba ay la gashay shirkad laga leeyahay dal shisheeye, balse uusan garankarin cida dhoo dhoobtay warka noocaasi ah.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya in xili uu jiro guux la xiriira in dowlada Somalia ay go’aan kama danbeys ah ku gaartay in Norway lagu wareejiyo barista shidaalka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com