KISMAAYO oo kisteedii XAMAR usoo xawishay

Dood iyo dalxiis kadib 6 maalmood waxaa kasoo baxay 5 tii Madaxweyne Gobal War-murtiyeed ka kooban; Eedo, Cabasho, Hanjabaad, Qeyla-dhaan iyo Codsi!!!

Iyada oo beryahaan Geeska Africa lagu hawlanaa; xallinta khilaafaadka, Xorriyada dadka, Dhisida Maamul hufan, Dhaqaale xor ah, isku furka xuduudaha iyo dadka iwm, ayey Madaxda Gobaldu weli u xiisa qabaan; Gobalaysi, Qabiilaysi, Xulafaysi, Waqti kororsi, Habar wacasho, Gaw & gash maleh, ku qabso ama ku qayli ku qadi mayside, Cadd-yuhuu ku cunay ama ku ciideeyey iwm!!

Madaxda Gobaladu ma ogyihiin in uu dhamaatay waqtigii;

1. Dadka lagu kicin jiray beel hebel ayaa haysata dawlada oo kasoo horjeeda Gobalka-yaga iyo Beeshayada.
2. Federaalkii ayaa la diidanyahay, Dawlada dhexe kaliya ayaana laga rabaa Federaalka?
3. Addis Ababa ayaa nalaga wacay, Abu dhabai ayaan Qaraab ka helaynaa.
4. Beesha Caalamka ayaa nasoo fara gelinee? Noona soo gurmanee, nana dhex-dhexaadinee anaga iyo dawladda.
5. Dawlada dhexe nalama xisaabtami karto, namana fara-gelin karto, Barlamaanka-yagu nalama xisaabtami karo, anaguna waa in aan la xisaabtanno dawladda dhexe.
6. Waqtiga waa kordhisanaynaa nalamana ridi karo, wiilasha-yada ayaana kursiga naga dhaxlaa.

Taariikhda Siyaasada Somaaliya weli laguma hayo qof Madaxweyne sheegtay oo doorasho kusoo laabta, haddii ay rabaan in ay soo laabtaan waa in ay Magaca Madaxweyne iska bedelaan, Dhaqanka Siyaasadana wax ka bedelaan.

Dawlada Federaalka haddii ay rabto in ay la heshiiso Madaxda Gobalada waa in ay u Caburiso ama ay u iibiso codka dadka si ay u joogaan, doorashada 2020 kana ay Xildhibaanada usoo qortaan, haddii kale Nabad lagama helayo, dhibna laguma hurayo.

W/Q: Maxamed Gacal (Dr. Gacal)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid