Shan Arimood oo Soomaaliya Rajadeedii aasay
Sanadihii la soo dhaafay waxaan rajo ka qabnay in wax badan isbadali doonaan. Waxaan islahayn Soomaaliya dawladeeda waa shaqayn doontaa caqabadahana waa ka gudbi doontaa. Gaar ahaan aad ayaan ugu hanweynayn Xasan Sheikh Maxamud Markii loo doortay xilka madaxweyne nimada, sababtoo ah waxaan islahayn waa nin aqoonyahan ah islamarkaasna joogay wadanka wax badana ka og. waxaa nasoo kartay qurba jog aan dal iyo dad midna u daneyneyn caruurahoodiina dibada gaystay. Ha ahaatee maanta waxaad moodaa in rajadaasi dhamaatay. Dad fara badan oo soomaaliyeed oo anigu aan ku jiri, waxay dib u liqeen celyadoodii wax raja ahna kama qabo in meeshaas dawladi ka soo socoto.
Shantaan arimood ayaa quus ka dhigay dadka soomaaliyeed ee islahaa mar un baad cagihiina ku istaagi doontaan.
Baarlamaan Shaqadooda ku soo koobay mooshin.
Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliyaad ayaa qofkasta oo caqli leh waxa uu dareemayaa in ay noqqdeen lacag ku shubo. Waxa ay ka helaan daganaansha la’aanta siyaasadeed si ay mooshin u keenaan isla markaana u raacaan dhinaca lacagta badan. Bal u fiirso maalintii raysulwasaaraha ay kalsoonida kala noqdeen waxaa xaadir goobta ku ahayd 136 xubnood, hadana waxaa soo xidirta maalinta ugu badan 100 xildhibaan. Bal soomaaliyeey ila arka miyeysan laaluush kaliya meesha u joogin. Xildhibaanada waxaa roob u da’aa marka khilaaf jiro oo ay mooshin keeni karaan waxa ay abaarsadaan marka aan khilaaf jirin
Madaxweyne ujeedkiisa ku gaara lacag uu bixiyo.
Madaxweyne kasta oo soo maro soomaaliya intii burburka ahayd haduu rabo in uu wax fuliyo waa in uu laaluush bixiyaa. Tusaale ahaan rasysul wasaarihii la eryey waxaa loo isticmaalay lacag si loo eryo kan cusubna waxaa la isticmaalayaa lacag si uu kalsoonida u helo. Side rajo uga sugi karnaa dawlad noocaas ah.
Raysulwasaare dhawr billood shaqyeeya dabeedna la badalo.
Raysulwasaara kastaa wax yar buu joogaa xilka markastana waxaa la isku qabtaa dano shaqsi ee la iskuma qabto dano qaran. Hal tusaale rasulwasaare c/wali waxaa uu joojiyey shirkii maamul u samaynta gobalada dhexe markay madaxweynaha is hayeen sababtoo ah dantiisaa ku jirtay oo waxaa dhiniciisa taagnaa xildhibaano reer koonfurgalbeed ah oo shirka diidanaa. Agoow awal raysulwasaaraha asagaa shirka furay. Sidoo kale madaxweynaha waxa uu raysulwasaaraha ku eryey maxaad Faarx C/qaadir u taabatay. Waa dan shaqsi ahaaneed dan qaran maaha.
Maamul gobaleedyo looga arimiyo Ethiopia
Anigu waxaan aha reer puntland madaxeynaheena wax uu marar badan booqday Addis Ababa halka muqdisho uu tagay halmar oo uu aas ka qay bgalay. Waa raja beel kale in soomaalidu ku kalsoon tahay itoobiya intay ayadu isku kalsoonaan lahayd. Madaxweynayaasha maamulada kale waa la mid sida Somaliland, Jubaland iyo Koonfurgalbeed. Soomaaliyeey sidaas mana raja galin kartaa?
Siyaasad qabyaaladaysan
Siyaasadda Soomaaliya waa qabyaalad waxaa la yiri madaxweyne iyo raysulwasaare waxaa leh Hawiye iyo Daarood. Aawey Soomaalidii kale sidee dal loo wadaagayaa, side Somaliland lagu soo celinayaa, side loo midoobayaa. Waa arin kaloo murugo leh. Kaaga daranata siyaasi kastaa waa qabyaaladayste. Waxa uu fiirinayaa danta qabiilkiisa laakin ma eegayo danta qaranka.
W/Q: Axmed Carab Yusuf
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid