Khalad u isticmaalka eray bixinnada siyaasada (misuse of political terminology)

Soomaalidu waa bulsho aad u sheeko badan, waxaase ku yar wax akhrinta, waxaa aad uga buuxa soona xigtaan cilmiga aan isagu u baahneyn in school caadiya looga soo baxo waayo cilmigaa keligii ayaaba school ah, waa cilmigee? Waa School-ka Cilmi Dhagiodka loo yaqaan.

Aragti kasta oo badata misana baahda yeelatana saameeyn waxey noqotaa school waxaana loogu magac daraa cidii aragtidaa laheyd, sida aragtidii Aristotle ama (theories of Aristotle) oo noqotay mid badatay oo baahday ayaa u baahatay in kaligeed ay noqoto school ama cilmi gooni ah la darso, isagaana loogu magac daray oo waxaa loo yaqaanaa (School Of Aristotle).

Inkastoo schoolka cilmi dhagoodka Soomaalida uusan laheyn qof kaliya hadana waa dhaxalka kaliya ee ay heystaan isuguna jira qalad iyo sax intaba, mana jidho cid loogu magac daray oo iska leh.

Aan u soo noqdo mowduuceeniiye hadaba waxaa jira eray bixino siyaasadeed oo si qaldan loo isticmaalo waxaana ka mida erayga (muxaafid), waxaan inta badan ka maqlaa siyaasiyiinta Soomaalida iyagoo leh “waa in gacmaha la is qabsadaa mucaarad iyo muxaafidba!.

Waa gartay, oo mucaarad garanayee muxaafidow maxaad aheyd?

Erayga muxaafid asalkiisu waa eray carbeed ama afcarabiya oo la soomaaliyeeyay, waxaana uu leeyahay macnayaal dhowr ah waana sidan soo socota.

1- Qofka xir xiran ee aan dadka aad ula hadlin waxaa la oran karaa waa qof muxaafid ah, oo loola jeedo qof xir xiran oo aan laga yaabin inaad war badan ka hesho, ama waxaaba la oran karaa “hebel waa qof taxafud badan” oo loola jeedo inuu yahay qof is ilaalin badan oo aan dhac dhicin.

2- Waxaa kaloo muxaafid loogu yeeraa ama la oran karaa, dadka jecel in la ilaaliyo laguna ad adkaado dhaqankoodii hore ama diintooda hadba kii la doono ama labadaba, inta badanna dadkaasi waxey is riix riix isku hayaan ama dagaal qabow dadka iyagu isbedelka jecel oo is bedel doonka ah.

Erayga muxaafid waxaa afka ingriisiga lagu yiraahdaa (conservative) waxaana ka soo horjeeda oo cagsigiisa ah erayga (liberal ama liberty).

Erayga (liberty) macnihiisu waa xoriyad “liberal-na” wa isla eraygii oo sifo ah waxaana uu macnihiisu noqonayaa, fur furan aan xadidneyn ama aan meel isaga dheganeyn.

Liberal waxaa loo yaqaan dadka maskaxda furan (open minded) kuwaa soo jecel isbedel dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed in la helo mar walba iyo goor walba.

Tusaale: waxey doonaan wax ka badel in lagu sameeyo iney taagnaadaan halkey taagnaayeen boqol sano ka hor xaga dhaqanka,fikirka iyo siyaasadda.

Ujeedadu waxey aheyd inaan helno erayga muxaafid waxa uu yahay.  Haddaba haddii eraygii muxaafid sidaa yahay waa maxay cagsiga erayga (mucaarad)?

Maxey siyaasiyiinta iyo aqoon yahanada ugu isticmaalaan erayga (muxaafid) sidii in loola jeedo cagsiga erayga (mucaarad) kuba dar xataa saxafiyiinta?

Ma erayga ayeysan aqoon?

Maya wey yaqaanaan! Hee oo haddaa maxey sidaa qaldan ugu adeegsadaan?

Miyey ka heleen? Oo wax kasta ay ka helaanba miyey iska isticmaalayaan haba ku qaldanaadee?

Haddaa maxaa qaldan?

Su’aalahaa jawaabtooda idinkaan idiin daayey iyo wixii kaloo aad ku dareysaan.

SAID ABDI HIRSI
Los Angeles, CA.
email (somalitimes@gmail.com