5 qodob oo la rumeysan yahay inay keentay xariga amiirada Sacuudi Carabiya

Riyadh (Caasimadda Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salman ayaa xiray saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya qoyska boqortooyada, oo ay ku jiraan boqorka walaalkiis iyo dhaxal-sugihii hore.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa ugu sarreeya Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, kaasi oo mar loo arkay rajada boqortooyada iyo inuusan ogolaan in Maxamed bin Salmaan uu la wareego kursiga.

Waxaa sidoo kale la xiray Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, kaasi oo xiriir wanaagsan la lahaa sirdoonka Mareykanka intii uu xilka hayey.

Waxaa sidoo kale la xiray walaalkiisa ka yar Amiir Nawaf bin Nayef.

Al-Jazeera ayaa soo daabacday shan arrin oo laga yaabo in midkood ay keentay in la xiro Seddexdaan qof.

1 – Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in xariga Bin Axmed Bin Cabdulcasiis  iyo  Maxamed Bin Nayif uu xiriir la leeyahay isku day ay ku doonayeen inay ku afgambiyaan xukunka Maxamed Bin Salman iyo boqortooyada.

Wargeyska ayaa xusay in Boqortooyada ay labadaan kusoo eedeysay qiyaano weyn, oo laga yaabo inay ka dhalato daldalaad ama xabsi daa’in.

2 – Falanqeeyaasha qaarkood ayaa meesha ka saaray inuu jiro iskuday amgambi. Qoraa iyo cilmi baare siyaasadeed oo lagu magacaabo Ali Nasser Al-Din oo wareysi siiyey Al-Jazeera ayaa sheegay in xariga Amiir Axmed Bin Cabdulcasiis iyo Maxamed Bin Nayif uu yimid kadib markii ay ka hor yimaadeen isbadalada uu sameeyey Maxamed Bin Salman.

3 – Wakaaladda Wararka ee Reuters oo kamid ah warbaahinadii ugu horeeyey ee qoray xariga seddexdaan shakhsi ayaa sheegtay in ilo wareedyo ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga ay u sheegeen in xarigaan uu yimid kadib markii ay isku dayeen inay wax ka badalaan qaabka dhaxaltooyada, iyagoo aaminsanaa in Amiir Axmed uu yahay qofka mudnaanta u leh dhaxaltooyada, maadaama uu heysto rabitaanka Qoyska Boqortooyada, Ciidamada Amniga iyo Reer Galbeedka qaarkood.

4 – Arrinta afaraad ee loo maleenayo inay keentay xariga xubnahaan ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga ayaa ah inay isku dayeen in xabsiyada laga sii  daayo xubnaha qoyska ka tirsan ee u xiran Amiir Maxamed Bin Salman, waxaana la sheegay inay aad ula murmeyn amiirka markii ay arrintaan kala hadlayeen taasoo keentay in la amro xarigooda.

5 – Arrinta Shanaad ee ugu dambeyso ee lala xiriiranayo xarigooda ayaa ah inay labadaan shakhsi ka hor yimaadeen go’aanka lagu xiray Xaramka halka ay sheegeen inay sii socdaan xafladaha madadaalada iyo fiisayaasha dalxiiska, iyagoo xusay in tallaabadaan ay keeni karto qatar kaga imaan karto wadamada Islaamka, maadaama aysan suurtagal aheyn in la fiirsado Xaramka Alle oo faaruq ah sabab la xiriirta in dadka loo diiday.

Arrintaan ayaana la sheegay inuu Bin Salman u qaatay afgambi isaga ka dhan ah taasna ay sababtay in lasoo xiro.

Bil Salman ayaa lagu tilmaamay inuu yahay hoggaamiye kaliya rumeysan awood isla markaasna aysan xisaabta ugu jirin inuu dalka ku maamulo sidii boqoradii ka horeeyey oo ahaa kuwa isku miisaamo arrimaha taagan iyo waxa ka dhallan kara.