Daahir Geelle oo dagaalka hadda ka socda Somalia ku qeexay dagaal sokeeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay gobolka Gedo ee u dhaxeeyey ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Siyaasi Daahir Maxamuud Geelle ayaa dagaalkaas ku tilmaamay inuu yahay dagaal sokeeye, loona baahan yahay in khilaafka dalka ka jiro lagu xaliyo wadahadal.

Daahir Geelle ayaa sidoo kale si weyn u dhaliilay siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ay ku maamuleyso dalka, wuxuuna ku eedeeyey inay weerareyso cid kasta oo ka aragti duwan.

“Dalka waxaa ka dhacaya waa dagaal sokeeye, waayo dagaalka ka dhex dhaca wadan hal calan leh waa dagaal sokeeye,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Daahir ayaa sheegay inay qalad tahay in ciidamo aan mari Karin wadada Afgooye iyo Balcad loo daabulo deegaan aad u fog sida gobolka Gedo.

”Ciidan aan wadada Afgooye mari-karin oo tan Balcad aan aadi karin Gedo lama geeyo Dayuurad inta lagu qaado, ”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Hadalka Wasiirkii hore ee warfaafinta ayaa kusoo aadayo xilli ay xiisad ka taagan Gobolka Gedo kadib markii uu dagaal Magaalada Beled Xaawo ku dhex maray Ciidamada ay Dowladda halkaas diyaaradaha ku geysay iyo kuwa Jubbaland.