Axmed Madobe oo shaaca ka qaaday ‘yabooh lacag ah ay usoo bandhigtay DF’

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa weeraray dowladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda dowladdu ay meesha ka saareen hanaanka sharciga ahaa ee lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay lacag u ballan qaaday si uu uga tanaasulo xilkiisa.

“Waxaa maanta sharaf ii ah aniga inaanan reer Jubbaland dhaafsiisan 20 milyan oo afka la iigu shubo, mana jiro macno aan ka gorgortami karay,” ayuu yiri xili uu furay fadhiga baarlamaanka Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda u soo adeegsatay shaqsiyaad isaga ugu goodiyey in ay dili doonan hadii uusan ogolaan dalabka lacageed.

“Jubbaland, culayska ugu badan aniga ayuu igu dhacayay, waxay gaartay in la idhaho lacag qaado oo meesha isag tag. Wiilasha isiinayay amarkaas waxay ahaayeen wiilal yaryar oo aan dowladnimada waxnba ka aqoonin. Waxaa intaas ii dheer hanjabaado iyo in la yiraahdo waan ku dilaynaa iyadoo la kaashanayo dowladda hoos,” ayuu raaciyey.

Isagoo daaha ka rogay jawaabta uu ka bixiyey lacagta, madaxweynaha ayaa tibaaxay in uu miiska saarey wadahadal iyo in lagu qeybsado awooda sidda uu xeerinayo dastuurka qabyadda ah ee dalka.

“Waxaan ku iri dowladda federaalka iyo cidda ay sii direysay ‘war aan isku imaano oo aynu wada fariisano dastuurka inaga dhaxeeya iyo buugaa yar aynu ku heshiino, qof kasta xuquuqda uu dastuurka siinayo ha qaato’ hadii qofka uu intaa diido xagey la geynayaa? Hadii dastuurkii la karaameyn waayo, hadii dowladnimadii la waxeyn waayo, war habeen lagu wadahadlay ma soconaayo, kaasoo cad baan taaganahay,” ayuu caddeeyay.

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu baaqay dalalka Turkiga iyo Qadar inay joojiyaan dhaqaalaha iyo tababarada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya.

“Dowladda Turkiga waxaan oran lahaa jooji ciidanka aad tababaraysaan majirto Dowlad wax lagu aamini karo, Qadar waxa aan leeyahay jooji sanuuda aad bixinayso, Itoobiya waxa aan leeyahay joojiya saraakiishiina faragalinaysa arrimaha Jubbaland,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka waxa uu sheegay in aysan ka dhici karin dalka doorasho.

Maamulka Jubbaland ayaa khilaaf xoog leh waxa uu kala dhexeeya dowlada Federalka Soomaaliya iyadoo khilaafkaasina sababay in ay ku dagaalamaan ciidamadooda xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.