5 qodob oo soo koobaya Somalia oo gashay xasarad siyaasadeed oo albaab xiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxii habeen hore lala eegtay maqaaxida Luul Yamani ee degmada Xamarjabab ee Muqdisho ee ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, kuna dhaawacmeen 30 kale iyo guud ahaan xiisadda amni darro ee jirtay bishii ugu dambeysay waa qeyb ka mid ah qandhada doorashada.

Marka madaxda ay ku mashquulaan loolanka siyaasadda, ciidamada amniga-na loo adeegsado in lagula dagaalamo siyaasiyiin iyo shacab aan hubeysneyn, waa ay dhacdaa in amniga xumaado, toddobaadyadii ugu dmabeeyana, sidaas ayuu ahaa xaalka Muqdisho.

Haddaba, shantan qodob ee hoose, waxay soo koobayaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo aan laheyn albaab looga baxo.

Muqdisho kala xiran: Tan iyo markii ay kasii dartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, loolankana uu sii kordhay, waxaa Muqdisho meel walba daadsan ciidamo wato gawaari tikniko ah oo tiro badan, waxaa xusid mudan in qaraxa Yamani uu dhacay xilli ay ciidamadu jidadka xireen.

Weli waxaa magaalada kusoo socda ciidamo kale, kuwaas oo isugu jira kuwa ay dowladda soo daabuleyso, iyo qaar kale oo taageersan musharaxiinta mucaaradka, taasi oo xaalad cabsi ah sii gelineysa magaalada.

Burburka wada hadallada Rooble iyo musharaxiinta: Waxaa xirmay albaabka keliya ee u furnaa dejinta xiisadda Muqdisho, iyada oo uu burbur ku yimid wada hadallo u socday ra’isul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta.

Burburka wada hadalladan waxaa ay sababi karaan in uu sii xoogeyso is aaminaad la’aanta iyo kala fogaanta u dhaxeysay midowga musharaxiinta iyo dowladda federaalka ah, ayada oo meesha ay kasii baxeyso kalsoonidii lagu qabay in Rooble uu noqon karo hoggaamiye go’aan qaata.

Dibad-baxa oo baaqday: Midowga musharaxiinta oo shir jaraa’id qabtay Jimcihii ayaa baajiyey dibadbax ay Sabtidii iclmaaiyeen iyaga oo sabab uga dhigay xaaladda caafimaad ee dalka, iyo ciidamadii ay dowladda ku daadisay taallada Daljirka Dahsoon.

Inkata oo ay balanqaadeen inuu mar kale dhici doono, haddana ma sheegin goobta iyo goorta, waxayse intaa ku dareen in amniga dibadbaxa ay iyagu sugi doonaan, waxaana jira warar sheegaya inay diyaarinayaan ciidamo xoog leh oo magaalada lagu soo gurayo.

Xukuumadda oo mowqifkeedii ku adkeysaneysa: Xundubey oo ah wasiirka amniga ayaa ka hadlayey shir jaraa’id uu qabtay Jimcihii, wuxuuna sheegay in xukuumadda federaalka ah cid aan aheyn aysan amniga dibadbaxa aaney sugi doona cid iyaga aan aheyn.

Xaqiiqda ah ayaa ah in ujeedka xukuumadda uusan ahayn inay sugto amniga dibad-baxa, balse ay tahay in ciidamada la sheegay inay sugayaan amniga loo adeegsado in shacabka lagu caburiyo, ayaga oo laga xirayo waddo kasta, si loo yareeyo dadka dibad-baxa dhigaya.

Fashilka shirkii doorashada: Guud ahaan waxaa fashilmay shirkii lagu saxiixi lahaa qoraalkii kasoo baxay guddigii farsamo ee Baydhabo ku shiray Febraayo 15-16. Shirka oo uu Farmaajo iclaamiyey inuu qabsoomo Khamiistii hore ayaa la iman waayey, waana markii 3-aad oo maamul goboleedyada ay diidaan shir uu isugu yeeray Farmaajo, shirkaas lama oga xilliga uu dhici doono.

Weli xal waara lagama gaarin arrimaha la isku heyso ee guddiyadii doorashada ee lagu muransanaa iyo cidda xuleysa xildhibaannada Somaliland.

Inkasta oo beesha caalamka ay qoraallo badan soo saarto, hadaba baaqdeeda waxaa ugu muhiimsan in aan ka qaban doorashooyin hal dhinac ah, isbarbar socda, waxayna ka digtaa qalalaaso, mana farageshato jiheynta arrimaha dalka.

Iyada oo arrimhaas oo dhan ay jiraan ayaa hadana dalka waxaa dhibaato kale ku haya Covid-19 iyo abaaro ka jiro gobollada badan, kuwaas oo haddii laga mashquulo keeni kara xaalad halis ah.