5 qof oo ku qaldamay Putin iyo halkii ay ku dambeeyeen

Moscow (Caasimada Online) – Madaxda xukunka haysa qaabka ay ula macaamilaan mucaaradka ama kuwa dhaliila maaha wax ku cusub dowlado badan oo caalamka ka jira, inkastoo dhibtu ay timaado in la caddeeyo in sargaal dowladeed uu mas’uul ka yahay dhibka soo gaara dadka dhaliila.

Dhimashada lagu tuhmo dowladaha ayaa inta badan waxaa ka dhasha muran badan, dembiilayaasha dilka geystay lama garanayo, waxayna noqonayaan wax qarsoon oo aan xal loo helin. Dhacdooyinka noocan oo kale ah waxaa ku gadaaman macluumaad shaki leh dhan kasta.

Yevgeny Prigozhin, oo muddo dheer saaxiib la ahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la sheegay inuu ku dhintay shil diyaaradeed.

Wagner Prigozhin ayaa muddo dheer saaxiib la ahaa Putin, saaxiibtinimada ayaa sii xoogeysatay ka dib markii uu ka caawiyay dagaalkii uu ku qaaday Ukraine. Laakiin arrimuhu waxay si lama filaan ah isu beddeleen ka dib markii Prigozhin uu sameeyay kacdoon muddo gaaban socday oo ka dhan ahaa saraakiisha sarsare ee ciidamada Ruushka.

Sheekadu way dheer tahay, laakiin Prigozhin ayaa joojiyay kacdoonkii. Runtiina, waa markii saaxiibtinimadii uu Putin la lahaa ay soo afjarantay. Haddii Prigozhin uu dhintay: dhimashadiisu ma shil baa? Maamulka Putin ma ku lug leeyahay? ? Waa su’aalo – jawaab sax ah oo u baahan waqti iyo dulqaad.

Laakiin waxaa jira dad kale oo ay is qabteen Putin oo aan masiirkoodu wanaagsanayn. Qaar ayaa si dirqi ah uga badbaaday in la dilo, qaarna waxa ay ka baxsan waayeen dabinada loo dhigay.

Boris Nemtsov

1990-meeyadii, Boris Nemtsov wuxuu ahaa xiddigii siyaasadeed ee Ruushka ka dambeeyay. Waxa uu noqday ra’iisal wasaare ku xigeen, markii dambena waxa uu u muuqday in uu noqon karo madaxweyne – laakiin Putin ayaa madaxweynenimada ka dhaxlay Boris Yeltsin sanaddii 2000 .

Nemtsov waxa uu noqday nin hantiwadaaga ah oo aad u dhaliila nidaamka Putin. Waxa uu hogaaminayay isu soo baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday natiijadii doorashadii baarlamaanka ee 2011, waxa uuna ka qoray warbixin ku saabsan musuqmaasuqa.

Dhowr jeer ayaa la xiray markii Kremlin-ka uu xakameeyay shirarkii mucaaradka. Bishii Febraayo 2015, saacado kadib markii loogu baaqay dadka inay ku soo biiraan mudaaharaadyo looga soo horjeedo ku lug lahaanshaha militariga Ruushka ee Ukraine, Nemtsov ayaa waxaa afar xabadood dhabarka kaga dhuftay nin aan la garanayn, meel u dhow Aqalka Kremlin-ka. Gacan ku dhiiglaha ayaan la aqoonsan ilaa maanta.

Alexander Litvinenko

Sarkaalkii hore ee sirdoonka Ruushka ayaa isu rogay fallaago, Alexander Litvinenko, ayaa si xanuun badan ugu dhintay isbitaal ku yaal London 2006dii ka dib markii lagu sumeeyay Polonium-210.

Baaritaan ay sameeysay dowladda Britain ayaa lagu ogaaday in Litvinenko ay sumeeyeen saraakiisha Ruushka ee FSB Andrei Lugovoi iyo Dmitry Kovtun. Moscow ayaa beenisay in ay lug ku leedahay, balse waxay diiday in ay soo wareejiso labadii tuhmane si loo maxkamadeeyo.

Litvinenko ayaa si weyn u dhaleeceeyay Putin, isaga oo ku eedeeyay in uu bam ku tuuray dhismo dabaq ah, uuna amray dilka wariye Anna Politkovskaya.

Sergei Skripal

Sergei Viktorovich Skripal waa sarkaal hore oo sirdoon ah oo ka tirsanaan jiray ciidamada Ruushka, wuxuuna sidoo kale u shaqeeyay sirdoonka Ingiriiska sagaashameeyadii iyo horraantii 2000-meeyadii.

Sannadkii 2018, isaga iyo gabadhiisa Yulia ayaa si dirqi ah uga badbaaday geeri ka dib markii loo adeegsaday sunta neerfaha ee Salisbury,xillli ay Egland ku sugnaayeen.

“Dowladda, doorashada ka dib, waxay go’aamisay in Ruushka uu ku lug lahaa, waxaana jeclaan lahayn inaan ka maqalno iyaga haddii ay jiraan wax diidmo ah,” ayay tiri ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ee xilligaas.

Si kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaa sii waday inuu beeniyo eedeymaha ku saabsan inuu ku lug lahaa isku dayga lagu dili rabay basaaska, haystay dhalashada Britain.

Alexei Navalny

Hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa markii ugu horreysay lagu arkay meel fagaare ah bishii 9, 2020 ka dib markii laga soo saaray isbitaal ku yaal magaalada Berlin, halkaas oo lagu daweynayay sunta neerfaha.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in baaritaanno lagu sameeyay dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Sweden lagu ogaaday in la siiyay sunta kiimikada ah ee loo yaqaano Novichok , taasoo disha neerfaha.

Ninkani oo si wayn madaxweyne Putin, ayaa dib ugu laabtay Ruushka, wuxuuna hadda ku qaadanayaa xabsi ku yaalla xarun ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo oo ku taal Melekhovo, oo 250 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Moscow.

Boris Berezovsky

Masuul hore iyo ganacsade; Masaafuris ku maqnaa, Boris Berezovsky waxa uu dhaleeceeyay dawladda Ruushka, isaga oo xitaa gaaray heer uu maalgeliyo mucaaradka Putin oo uu ugu baaqay in ay xoog ku afgambiyaan. Dawladda Ruushka ayaa sannadkii 2003 codsatay inuu dalka ku soo laabto. Hase ahaatee, waxa uu magangelyo ka helay Ingiriiska.

Sannadkii 2007-dii ayaa maxkamad ku taalla dalka Ruushka waxa ay ku soo oogtay dacwad isaga oo maqan, waxaana lagu helay in uu wax isdabamariyay. Sida laga soo xigtay Alexander Litvinenko, sarkaal ka tirsan FSB ee London ayaa isku diyaarinayay inuu dilo Berezovsky Sebtembar 2003. Qorshahaas waxaa lagu wargeliyay booliiska Ingiriiska.

Bishii March 23, 2013, Berezovsky ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaal England. waxa uu qoorta kaga xirnaa xarig.

Waxaa xaqiiqadii jira liis dheer oo ah shaqsiyaad ku qaldamay dowladda madaxwayne Putin oo ay arrintooda meel xun ku dambeeysay.

Iyada oo ay jiraan su’aalo badan oo la iska waydiinayo geerida Prigozhin, ayaa wxay taariikhda na tuseysaa in Putin cid walba oo ka soo horjeedsta ama dhaleeceysa ay halis la kulmaan.

Isha: BBC