$5,805,000 oo kasoo xarooneysa xildhibaanada cusub ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda madasha qaranka ay isla garteen dhaqaalaha laga qaadayo musharixiinta dooneysa xilka baarlamaanka ee labada aqal ee kala ah aqalka sare iyo aqalka Hoose.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanka u tartamaya aqalka sare ee baarlamaanka laga doonayo inuu bixyo $ 10,000, halka xildhibaanka doonaya aqalka hoose eebaarlamaanka laga doonayo inuu bixiyo $5,000, taasi oo lacag badan ka dhigeysa dhaqaalaha kasoo xaroonaya musharaxnimada xildhibaanada oo kaliya.

Kursi walbaa oo kamid ah aqalka sare iyo aqalka hoose, haddii ay isku soo sharaxaan ku dhawaad 3 xildhibaan waxaa kasoo xaroonaya dhaqaalo badan oo gaaraya  $5,805,000.

Dhaqaalaha ka imaanaya aqalka sare 56×3=1,680,000 oo lamicno ah 56 xildhibaan oo aqalka sare laga doonayo haddii musharax kastaa laga qaado 10,000 waxay noqoneysaa 30,000×56 mudane = 1,680,000 doolar.

Dhaqaalaha ka imaanaya aqalka Hoose 275×3= $4,125,000 oo lamicni ah 275 xildhibaan oo oo musharax kastaa laga doonayo 5,000 oo noqoneyso 15,000×275 xildhibaan= 4,125,000 doolar

Wadarta guud ee lacagtaasi ayaa noqoneyso $ 5,805,000 waa mid ku dhow lix milyan oo doolar oo ka imaaneysa kaliya musharixiinta xildhibaanada aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com