Xiisadda dagaal ee Somaliland iyo Puntland oo kasi dartay kadib…

Sanaag (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada hoostaga Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka taagan yahay xiisad u dhexeysa maamulada Puntland iyo Somaliland.

Deegaanada ay xiisada ka taagan yihiin ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u gaashaman oo labada dhinac ah kuwaasi oo deegaano dhowr ah kawada dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Xiisada ugu badan ayaa ka taagan Gobolka Haylaan gaar ahaana aagagii dhawaan lagu dagaalamay ee nawaaxiga Degmada dhahar, waxaana halkaasi ka taagan saan-saan dagaal.

Ciidamada ugu badan ayaa ku sugan deegaanka Booda-cade oo u dhexeeya Dhahar iyo Xingalool halkaasi oo lagu arkaayo Gaadiid dagaal iyo ciidamo dhufeysyo ka sameysanaaya.

Dhaqdhaqaaqa ugu badan ayaa waxaa wada ciidamada maamulka Puntland kuwaasi oo laga cabsi qabo inay qaadan dagaal rogaal celin ah.

Ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa guulo ka sheegtay dagaal laba maalin un ka hor ka dhacay dhulka loo yaqaan Booda-cade, waxaana wali aan dhamaan xiisadii dagaalkaas keentay taas oo ahayd diiwaan gali Soomaaliland ay ka waday Gobolada Sagaan iyo Haylaan ee Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Xiisada dagaal ayaa wali la dareemayaa xili Gobolka Sanaag uu gaaray Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland Gen Saciid dheere.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com