6 su’aal oo Xasan Sheekh iyo Shariif uga baahan jawaab inta aaney arirnta kiiska badda ku eedeyn Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxdda mucaaradka ayaa si weyn ugu eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka gaabiyay muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay toddobaadkan maxkamadda ICJ markii saddexaad dib u dhigtay dacwadda labadda wadan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda hadda jirta aaney waxba ku darin dooddii Soomaaliya oo wax walba ay taaganyihiin meeshii uu kaga tagay ku dhowaad 4 sano ka hor. Sidoo kale Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa eed noocaas ah soo jeediyay.

Dadka sida weyn ula socda arrintaan ayaa su’aallo maangal ah ka keenay doodda madaxdii hore ee la xiriirta muranka badda. Su’aallahan qaarkood ayaa muujinaya in Madasha Xisbiyada Qaran aaney isku aragti ka aheyn ama ka noqon karin dacwadda badda ee taalla Maxakamadda ICJ.

Su’aallaha

1 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda hogaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ilaa hada kama uusan hadlin qadiyadiisa badda. Inta badan arrimaha xasaasiga ah ee Madasha isaga ayaa ka hadla laakiin howsha Badda waa ka gaabsadaa, waxaana ka hadla inta badan Xasan Sheekh. Xitaa Shariif shalay ma uusan kasoo garab muuqan Xasan Sheekh oo ay inta badan si wadajir ah uga hadlaan arrimaha muhiimka u ah. Hadabba muxuu Shariif uga aamunsan yahay kiiska Badda?.

2 – Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu aad u muujiyaa in qadiyadda badda ay muhiim u tahay ama uusan gor-gortan ka gali karin, laakiin wuxuu dhowaan shirko siyaasadeed la noqday Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo ahaa madaxdii dalka ka talineysay xilligii la saxiixay heshiiska dhaliyay muranka badda.

Horey wuxuu u sheegay Xasan Sheekh in dadkii badda halista galiyay in aaney u qalmin iney markale dalka hogaamiyaan, haddaba Xasan miyaa siyaasad ahaan ka tanaasulay qadiyadiisa badda mise Shariif ayaa qaladkiisii qirtay oo sidaa ayuu kula midoobay?

3 – Madashu waxey ku cel celisay in Farmaajo laga rabo inuu ka hadlo arrinta Badda. Sanadkii lasoo dhaafay Farmaajo wuxuu arrinta badda kaga hadlay xarunta Qaramada Midoobey, Nairobi iyo Muqdisho waxaase jirta su’aal ay muhiim tahay in laga jawaabo.

Dhinaca Kenya, arrinta badda kama hadlaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Inta badan waxaa ka hadla Xeer-ilaaliyaha Qaranka ama wasaaradda arrimaha dibbada, halka Soomaaliya uu inta badan u hadlo ra’iisul wasaare ku-xigeenka, haddaba labada wadan midkee si maqaam sare ah uga hadla kiiskan?

4 – Maxkamadda ICJ waxey dib u dhigtay dhamaan dacwooyinkii la qorsheeyay in la dhageysto 2020 sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee COVID19, Haddaba Soomaaliya ma waxey amri kartaa in kaligeed maxkamaddu u shaqeyso sanadkaan?

5 – Dhowaan Madasha Xisbiyada Qaran waxey baajiyeen shir ay rabeen iney ku dhistaan hal xisbi iyo hal musharax. Sababta baajinta waxey ku sheegeen xanuunka Covid19, sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mudo ku xayirnaa Turkiga ilaa ugu dambeyn ay diyaarad qaas ah soo qaaday, haddaba maxey Madashu u inkireysa culeyskaas saameeyay adduunka oo dhan oo xitaa shirarkoodii iyo socdaalkoodii baajiyay?

6 – Maadaama gudoomiyaha Maxkamadda ICJ uu yahay nin Soomaali ah, maxey tahay shakiga laga qabi karo in go’aan qarsoon ay gaarto Villa Somalia ama iney jiraan wax la qarin karo?

Marka la eego su’aallahaan, doodda Madasha Xisbiyada iyo mucaaradka kale qaarkood waxey noqoneysa mid siyaaadeysan oo ka fog jeceyl loo qabo biyaha Soomaaliya.