Lix ajaaniib ah oo u socday inay ku biiraan Al-Shabaab oo lagu qabtay waddanka…

Gaarisa (Caasimada Online) – Booliska dalka Kenya ayaa magaalada Gaarisa ku xiray lix qof oo ajaanib ah, kuwaas oo la sheegay inay ka talaabayeen xuduuda, si ugu biraan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Booliska ayaa soo bandhigay magacyada dadka lagu qabtay Gaarisa ee doonayey inay ku biiraan argagixisada Al-Shabaab, waxayan kala yihiin Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, oo dhamaantood u dhashay Tanzania iyo Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay dalka Uganda.

Markii su’aalo la weeydiiyay, lixda qof waxay qirteen inay u socdeen inay ku biiraan al-Shabaab, kadib markii ay qorteen oo ay fududeeyeen maamulayaashooda oo ka kala yimid Tanzania iyo Uganda.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in gudaha magaalada Gaarisa ay kooxdaan ka soo qabteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo helay xogta kooxdaan oo dooneysay inay ka talaabto xuduuda labada dal.

Wax ka yar laba toddobaad ka hor waxaa sidaan oo kale loo qabtay saddex nin oo u dhashay Tanzania oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma, kuwaas oo lagu qabtay magaalooyinka Korakora iyo Garissa,

In la qabto kooxahaan waxaa booliska ka gacan siiyey dadka shacabka ah, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliska ee xogtaan la wadaagay warbaahinta.

Saraakiisha ayaa sheegay in labo kale oo Tanzanian ah oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili, 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia, oo 30 jir ah in 12-kii July lagu qabtay aagga Gaarisa, xilli ay isaga safrayeen Tanzania ilaa magaalada Jilib ee Soomaaliya.

Wada shaqeynta dhexmarta hay’adaha amniga iyo shacabka ku dhaqan gobolada Waqooyi ee Kenya ayaa gaartay heer sare, waxayna dadka deegaanku ay noqdeen kuwa furfuran oo u madax-banaan inay xogta la wadaagaan maamullada deegaanka.

“Xubnaha dadweynaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay sii wadaan la wadaaga macluumaadka hay’adaha ammaanka ee ay khuseyso,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka John Otieno.

Dadweynaha ayaa sidoo kale loogu baaqay inay feejignaadaan mar kasta weerarrada kooxda, isla markaana ay booliska ku soo wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan, dhaqdhaqaaqooda.

Booliska Kenya wuxuu aad u baacsanayaa xubno ay sheegeen inay ku biirayaan kooxaha  Al-Shabaab ama Daacish, laamaha ammaanka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay howl-wadeenada gaadiidka dadweynaha oo laga dalbaday inay booliska lasoo wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ajaanibta ay ka shakiyaan.

“Dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee wadaan hay’adaha ammaanka Kenya ay ka wadaan gobolka Waqooyi-bari ayaa muhiim u ah in laga hortago ajaanibta ku soo biireysa kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.