25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

75 Milion oo Euro oo loogu deeqay DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Wargeyska Al-Bayeeys ee ka soo baxa Spain ayaa daabacay in Dowladda Spanishka ay u balan qaaday Soomaaliya 75 milyan  lacagta yuuraha ah, lacagtaasoo lagu sheegay in gar gaar ahaan ama caawinaad loo siinayo Soomaaliya.

Spain ayaa sheegtay in iyada oo ka jawaabayso baaqyadii Qaramada Midoobay ee laga jeediyay shirkii todobaadkii hore lagu qabtay Roma Caasimadda Talyaaniga loogana hadlayay amniga raashinka lagu yaboohay Soomaaliya.

Wasiiradda Xiriirka Caalamiga Spain gabadha lagu magacaabo Thareya ayaa sheegtay in xukuumadda dalkeeda ay aad u daneeyneeyso ka qeeyb qaadashada yareynta mashaakilka cunna yarida ka taagan Caalmaka.

Thareya wasiirka Xiriirka Caalamiga Spain ayaa sidoo kale sheegtay in xukuumadda dalkeeda ay labalaabi doonto taagaarada Bini aadanimo ee ay u hayaan Soomaaliya

Spain ayaa sheegtay in kaalmada ay ugu tala gashay soomaliya ay u sii marsiineeyso Hay’adda Qaramada Midoobay gaar ahaan barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP.

Spain ayaa noqoneysa dowladda Koowaad ee ka jawaabta  marka laga hadlayo dowladaha ka jawaabay baaqii ka soo baxay shirkii todobaad ka hor lagu soo gaba gabeeyay Magaadla Roma Ee  caasimadda Talyaaniga kaa oo looga hadlayay mashaakilka Kataagan cunnada caalamka.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News