27.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Dagaalkii Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo dib uga qarxay gobolka S/Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maanta uu markale ka dhacay dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Biyamaal iyo Habar-gidir.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay deeganka Lambar 50 oo maalmahan ay isku hor fadhiyeen labadaas dhinac.

Goobjooge ku sugan N50 ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkay ciidamo wata gaadidka dagaalka oo gudaha u soo galaya magaalada dabadeedna billaabay in ay gubaan guriyihii ku yiilay deegankaas.

Xaaladda magaalada ayaa ah weli mid kacsan iyadoo ciidankii horrey u joogay lambar 50 laga saaray halkaas.

Waxaa deeganka ka socda qax, dadka ayaa la baxsanaya naftooda iyo wixii hanti ah oo ay qaadan karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News