Beesha Habar-Gidir oo RW Cabdi Weli u gudbisay shaqsiga u matali doona golaha wasiiradda cusub (Waa kuma?)

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Sabti ah kulan ballaaran ku yeeshay odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Habar-Gidir,kuwaasoo sheegay in ay isku raaceen Xasan Maxamed Nuur “Xasan Qalaad” in uu u matalo golaha wasiiradda cusub.

Xasan Qalaad oo wax ku soo bartay dalka Ingiriiska isla markaana horrey u ahaa sarkaal ciidamada ayaa loo aqoonsaday in beesha uu u matalo wasiiradda cusub ee u soo dhisaayo ra’iisal wsaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xasan Qalaad oo caawa la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqidsho,ayaa sheegay in uu soo dhaweenaayo kulanka maanta ka dhacay Muqdisho isagoo intaas ku daray in uusan soo abaabulin, balse markii la ogaaday inuu ka so bixi karo xilkaas loo gartay in uu noqdo wasiirka beesha Habar-gidir ay ku lee dahay wasiiradda cusub.

Waxa uu xusay haddii loo magacaabo xilkaas in uu wax badan ka qaban doono xaallada dalka gaar ahaan arrimaha ammaanka.

Xilkan waxaa hadda si KMG ah u haya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ay saaxib dhow iyo isku xisbi ka wada tirsan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana loo badinayaa in uu soo laabto oo uu ka mid noqodo wasiiradda cusub.

Beesha Habar-Gidir waa markii labaad oo ay sicad u diiddo Cabdikariin Xuseen Guuleed in uu u matago wasiiradda  cusub oo dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Odayaasha maanta ku shiray magaalada Muqidsho ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha ay ku wargaliyeen shirkooda iyo cidda ay doonayaan beesha in uu u matalo wasiiradda cusub

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com