5 ka mid ah wasiiradii R/W: Saacid oo si aah loogu amaanay wax-qabad

Shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho oo u mahad celiyay 5 Wasaaradood oo ka tirsanaa xukuumadii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa Md cabdi faarax shirdoon ayaga oo ku amaanay mudadii ay hayeen xilalkooda in ay waxbadan ka soo qabteen wax yaabo badan oo dan u ahaa shacabka Soomaaliyeed.

Shanta Wasiir Oo Aadka Loo Amaanay Ayaa Kala Ah

1- Wasiiradda Arimaha dibada Soomaaliya fowsiya xaaji aadan oo Wasaaradeedu wax badan ka soo qabatay sara u qaadista xiriirka arimaha dibada ,
2- Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi mudadii uu hayay xilkaasi wasaaradiisa ay soo qabatay waxyaaba farabadan taas oo ay ka mid ahayd dib u heshiisiintii dagaaladii dhaxmaray beelaha habargidir iyo biyamaal ayadoo wasaaradiisu beelahaasi ay dhaxdhigeen Dib u heshiisiin.
3- Wasiirka warfaafinta ayaa ka mid ahayd wasaaradihii waxqabadkooda sida aadka loo amaanay , Md, C/laahi Ciilmooge ayaa ka qeyb qaatay dib u soo nooleynta wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta.
4- Wasiiradii aadeega bulshada Drs.Maryan qaasim oo ay wasaaradeedu waxbadan ka qabatay adeegyadii shacabka soomaaliyeed.
5- wasaaradda maaliyada ayaa ka mid ahayd wasaaradihii ugu muhiim sanaa adeega bulshada soomaaliyeed.

shan

Ugudambeentii Shacabka ku dhaqan magaaladda muqdisho ayaa ugu baaqay madaxda sare  qaranka Soomaaliyeed in ay wax ka badalaan hab-dhaqanka siyaasadeed, ayagoo taasi u sababeeyay in qaar ka tirsan xildhibaanadda qaranka soomaaliya ay ku shaqeeyaan laaluush iyo wax isdaba marin, taas oo ay wax u dhimayso sumcada mansabka ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed abuuri kartana caddaalaad dari baahda loona baahan yahay in lasoo afjaro.