Maxay Dr. C/raxman Baadiyow iyo Cali Max’ed Geedi ka dooneen Garoowe?

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa maalintii labaad ku sugan siyaasiyiin iyo diplomaasiyiin caalami ah, kuwaasoo ka qaybgalaya caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Siyaasiyiinta magaalada gaartay waxaa ka mid ah, ra’iisal wasaarihii horre Cali Maxamed Geedi iyo Dr. Cabdiraxmaan Macalin Baadiyow oo horrey isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Labadan siyaasi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, waxaana soo dhaweentooda ka qayb qaatay madax fara badan.

Sidoo kale, magaalada waxaa ku sugan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee Juba.

Waxaa kaloo magaalada ku sugan wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nichalas Key, wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Maxamed Saalax Annadif iyo wakiilka IGAD ee Somalia Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Waa wafuudii ugu sareesay ee magaalada gaarta muddo 15-sanno laga joogo xilligaas oo la unkay maamulka Puntland.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta la dhigay ciidamo farta badan sidda uu ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Xarunta PPRC ee magaalada Garoowe, ayaa waxaa iminka ka socota qaban qaabada xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Haddaba Shabakadda caasimada Online, waxa ay idiin ballan qaadeysaa in ay idiin soo gudbin doonto dhammaan qudbadaha iyo wax yaabaha ka socoda magaalada Garoowe maanta oo Jimco ah in shaa allah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com